Xog: Beesha caalamka & shanta Madaxweyne goboleed oo kulan gaar ah yeelanaya

0
Thursday March 25, 2021 - 07:45:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Beesha caalamka & shanta Madaxweyne goboleed oo kulan gaar ah yeelanaya

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

     Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inay jirto isfaham kooban oo laga gaaray wada hadalo habeenadii la soo dhaafay ka socday gudaha xeyndaabka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo u socday qaar ka mid ah dhinacyada Soomaalida.

     Shirar dhexmaray Madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ayaa furre u noqday shir la hadal hayo iney maalinta berri isugu imaan doonaan Shanta Madaxweyne Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+, si looga heshiiyo ajendaha shirka guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

       Waxaa wali sii socda kulamada gaar gaarka ah ee loo arko in xalka ay qayb ka tahay in ugu dambayn dhinacyadu is arkaan.

Ilo ku dhow dhow madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa sheegay in Madaxwayne Farmaajo uusan jeclaysanin shirka dhexmaraya Maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.

       Dhinaca kale, Xildhibaano iyo senataro ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir ku yeelanaya maalinta beri oo Khamiis ah hotelka Jazeera ee Magalaada Muqdiaho, Xildhibaanadaas oo ah kuwa aan la dhacsnayn fikirka doorasho ee Madaxwayne Farmaajo ayaa soo saari doona War ka hor imaanaya shirka.

     Wakiilada Beesha caalamka ayaa ku jahwareeray dhexdhexaadin ay ka dhex wadeen madaxda DF iyo dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo isku maandhaafsan hanaanka doorashada dalka

Axmed Madoobe iyo Deni oo ku jira maalmahoodii ugu dambeeyay ee Mustaqbalka Beesha Caalamka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip