Jabuuti iyo Sucuudiga oo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah

0
Thursday March 25, 2021 - 07:40:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti iyo Sucuudiga oo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

    Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku qaabilay xafiiskiisa wasiirka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya mudane Feysal bin Farxaan bin Cabdullaahi oo booqasho ku tegay dalka Jabuuti.

     Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo madaxweynaha Jabuuti ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee walaalaha ah.

     Labada dhinac ayaa sidoo kale, ka wada hadlay horumarka ka socda gobalka iyo arrimaha caalamiga ah ee saameynta ku leh labad dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga.

     Kulanka waxaa goob joog ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labada dal.

Jabuuti iyo Sucuudiga oo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip