Ku xigeenkii Amiirkii Dubai Sheikh Hamdan bin Rashid oo geeriyooday

0
Wednesday March 24, 2021 - 22:30:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku xigeenkii Amiirkii Dubai Sheikh Hamdan bin Rashid oo geeriyooday

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

      Ku xigeenkii Amiirkii Imaarada Dubai, Sheikh Hamdan bin Rashid Al Maktoum oo ahaa 75 jir ayaa geeriyooday kadib markii uu bilihii la so odhaafay uu xanuunsanaa.

       Sheikh Hamdan, wuxuu kaloo muddo dheer ahaa wasiirka Maaliyadda ee Imaaraatka Carabta, waxana ay walaalo ahaayeen ninka hadda xukuma Dubai, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum.

        Sheikh Hamdan wuxuu dhashay 25-kii bishii Diseembar 1949, wuxuu ahaa wiilkii labaad ee uu dhalay amiirkii waqtigiisu dhammaaday ee Sheikh Rashid Bin Saeed Al Maktoum


         Sheikh Hamdan wuxuu hayey jagada wasiirka maaliyada tan iyo markii la magacaabay golahii wasiirada ee ugu horeeyey 1971 kadib dhismihii Imaaraatka oo uu sameeyey Amiirkii geeriyooday, Sheikh Zayed Al Nahyan.

        Waxaa lagu ammaanay inuu Dubai u rogay xarun caalami ah oo ganacsi iyo dalxiis, wuxuuna hoggaaminayay wufuud Imaaraat ah oo ka socday Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Ururka Sanduuqa Dhoofinta Batroolka ee Horumarinta Caalamiga.

       Sheikh Hamdan wuxuu xukumay shirkado farabadan oo gaar loo leeyahay kuwaasoo qeyb ka ah dhaqaalaha Dubai, sida Maamulka Dekedaha Dubai, Xarunta Ganacsiga Dunida ee Dubai iyo Shirkadda Gaaska Dabiiciga ee Dubai.

        Sida walaalkiis oo kale, wuxuu magac weyn ku noqday tartanka fardaha ee Imaaraadka, asaga oo aasaasay Shadwell Racing sanadkii 1981.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip