Imisa LACAG ah ayaa lagu cunaa mashruuca aan dhamaadka lahayn ee Janan?'

0
Wednesday March 24, 2021 - 21:08:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imisa LACAG ah ayaa lagu cunaa mashruuca aan dhamaadka lahayn ee Janan?'

    1. Janan oo dambiile ah, dad shacab ah xasuuqay, maxkamadna soo saartay waaran lagu soo qabanayo! 2. Janan oo dowlada isku soo dhiibay. Fahad Yasiin na kala shaqaynaya duminta maamulka Jubaland! 3. Janan oo ku xiran xabsi ku dhex yaala xarunta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Janan oo dambiile ah, dad shacab ah xasuuqay, maxkamadna soo saartay waaran lagu soo qabanayo! 2. Janan oo dowlada isku soo dhiibay. Fahad Yasiin na kala shaqaynaya duminta maamulka Jubaland! 3. Janan oo ku xiran xabsi ku dhex yaala xarunta Nabad Sugida ee Habar Khadiijo! 4. Janan oo baxsad ah kana fakaday Xabsigii Nabad Sugida, lana baadi goobayo! 5. Janan oo qaran dumis ah, hoggaaminayana maleeshiyaad Kenya lagu soo tababaray! 6. Janan oo dagaal ku soo qaaday Beledxaawo, dad shacab ah xasuuqay, dambiyo dagaalna ku eedaysan mar labaad! 7. Janan oo wadani iyo qaraabo ah oo isagoo hoggaaminaya ciidamo aad u fara badan dowlada la heshiiyay! 8. Janan oo mar sideedaad shaati loo soo geliyana waan sugaynaa! Janan sanadkiiba labo mar ayuu na soo maraa isagoo mashruuc ah (mar dambiile ah, mar maxbuus ah, mar fakad ah, mar qaran dumis ah, mar wadani ah, marna qaraabo ah) ee imisa lacag ah ayaa lagu cunaa mashruucan aan dhamaadka lahayn ee Cabdirashiid Janan?! W/Q: Xildhibaan Mahad Salaad




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip