Farmaajo oo taageero dhaqaale ka dalbaday Ururka Jaamacadda Carabta

0
Wednesday March 24, 2021 - 19:55:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo taageero dhaqaale ka dalbaday Ururka Jaamacadda Carabta

    Ilo-wareed ka tirsan Xoghaynta Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxay xaqiijiyeen in Madaxweyne Farmaajo uu mar kale Dhambaal u soo diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta, Axmed Abu Kheyd oo uu kaga codsaday Taageero Dhaqaale ee xilligan xas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilo-wareed ka tirsan Xoghaynta Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxay xaqiijiyeen in Madaxweyne Farmaajo uu mar kale Dhambaal u soo diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta, Axmed Abu Kheyd oo uu kaga codsaday Taageero Dhaqaale ee xilligan xasaasiga u ah Somalia. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Maxamed C/risaaq Maxamuud Abuukar oo maalmahan booqasho hawleed ku jooga Qaahira waxa uu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta shalay u gudbiyey farriin salaan ah oo uu uga waday Madaxweyne Farmaajo. Dhambaalkaasi ayaa waxa lagu xusay inay DFS ka mahad-celinayso Tagaeerada ay Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jamaacadda Carabta u fidiyaan DFS, Hay'adaha hoos-taga iyo Ummadda Soomaaliyeed. Farriinta Madaxweyne Farmaajo u diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta waxa uu ku booriyey in la sii kordhiyo Taageeradda Carabta siiyaan Somalia, gaar ahaan Xilligan xasaasiga ee dadaalka Kal-guurka. Waxaa turjumay ustaad Nuuradiin Abuukar





 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip