Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Muqdisho

0
Wednesday March 24, 2021 - 19:06:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Muqdisho

    Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay in askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku dileen Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga ku hubeysan bustoolado ay dileen Saddex Askari oo ka tirsan Ciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay in askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku dileen Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga ku hubeysan bustoolado ay dileen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya oo kamid ahaa kuwa ilaalada ka hayay Isgoyska. Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi dilka ah ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi tegay askar kale oo ka tirsan Ciidamada Booliska, kuwaas oo goobta ka qaaday meydadka askartii weerarka lagu dilay. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ragga hubeysnaa ee dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, isla markaana ay horay u sii qaateen hubkii ay wateen askarta. Ciidamada Booliska ee tegay Isgoyska Siinaay ayaa hallaasi ka sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka askarta walow aysan ku guuleysan inay qabtaan, waxaana muddo daqiiqado ah hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow dib loo furay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip