Dowladda oo sirasmi ah u shaacisay inay heshiis la gashay Cabdirashiid Janan

0
Wednesday March 24, 2021 - 16:35:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo sirasmi ah u shaacisay inay heshiis la gashay Cabdirashiid Janan

    Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la gashay wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( janan) , kaas oo Ciidamo farabadan ku heystay meel u dhow Magaalada Mandhe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la gashay wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( janan) , kaas oo Ciidamo farabadan ku heystay meel u dhow Magaalada Mandheera. Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladda ay sirasmi ah heshiis ula gashay janan. Waxaa uu sheegay in Janan uu muhiim u yahay nabadda Gobolka Gedo, isla markaana uu gartay in uu u hiiliyo Qaranimada Soomaaliya, sidoo kalena ay dadaal ku bixisay dowladda Soomaaliya. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( janan) oo wata Ciidamo farabadan iyo Gaadiidka dagaalka ayaa soo garay deganka Najax ee duleedka Beled-Xaawo, waxana u halkaasi kula kulmay wasiiro uu kamid yahay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip