HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 24-MARS 2021

0
Wednesday March 24, 2021 - 11:47:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 24-MARS 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Villa Somalia oo war kasoo saartay shirkii Farmaajo iyo xubnaha taabacsan

     Madaxtooyada ayaa war kasoo saartay shirka Afisyoone ee looga hadlayo khilaafka doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho ee ay ka maqan yihiin madaxda dowlad goboleedyada Pun tland iyo Jubaland oo iyagu ka horyimid hanaanka shirkaas iyo ajendihiisa.

     Qoraalka Villa Somalia ayaa waxaa lagu shee gay in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Max amed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehlinayaan ra’iisal wasaare Rooble, Madaxweyneyaasha Dow lad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.

     "Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda  ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyin ka ee la meelmariyey,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Villa Somalia.

     Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Farsa mada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka war bixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsam ada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo.

      Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xubnaha guddig an heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gob olka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan door ashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ku aad dan qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta he shiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada    Gole ee Baarlamaanka, sida ay sheegtay Villa Somalia.

      Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble, Madaxwey neyaasha dowlad goboleedyada, iyo Guddoomi yaha gobolka Banaadir ayaa ku dhiirrigeliyey xubn aha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyin ka inay si daah-furan ula wadaagaan shacabka So omaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan he   shiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey.

      Arrintan ayaa imaneysa xili uu meel xasaasiya marayo khilaafka doorashada, islamarkaana uu fur may shir ay soo qaban-qaabisay beesha caalam ka, kaasi oo aysan qeyb ka aheyn madaxda Punt land iyo Jubbaland oo iyagu kasoo horjeeda guddiga iyo hanaanka doorashada ee dowladda dabada ka riixeyso.

Madasha Bad-baado qaran oo shir barbar soc da kan Afisyooni ka furtay Xalane

     Golaha madasha Bad-baado qaran ayaa Dor raad mid ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha xarunta Xalane. Shirkaan oo ah mid bar-bar socda kan madaxda dowladda iyo ma amulada taageersan uga socda xerada Afisyo one ee taliska ciidanka Cirka Soomaaliya. Guddoomiya ha madasha Bad-baado qaran Cabdi Xaaahi C/lla ahi ayaa ku dhawaaqay in shirkaan uu socon do ono inta xal laga gaarayo khila afka dooraahada.

Safaaradda Mareykanka oo farriin culus u dir tay madax goboleedyada iyo Farmaajo

 Safaaradda Mareykanka ayaa farriin culus oo ku aaddan is-mari waaga siyaasadda Soomaaliya u dirtay madaxweynaha waqtigu uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada.

      Safaaradda ayaa ugu baaqday Farmaajo inuu xaqiijiyo in si buuxda looga wada-qeyb galo shir madaxeedka doorashada, islamarkaana uu dhameystiro heshiis doorasho, halka ay madax goboleedyada ugu baaqday inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruudo hordhac hor-dhigin.

Qoraalka Mareykanka ayaa yimid kadib markii shirkii Afisyoone ee Dorraad lagu ballansanaa uu qabsoomi waayey, kadib markii ay diideen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayada oo ay ka qeyb galeen kaliya Farmaajo iyo madaxweynayaasha taabiciyiinta ah.

"Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal dhameystiran oo ku aadan shir madaxeedka, uuna soo dhammeystiro heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruud ku xirin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

QM ayaa qoraal ay Habeen hore soo saartay niyad-jab kaga muujisay shirka ayada oo ay sheegtay inay sii socon doonaan wada-hadallo hoose, ka hor inta aan shir buuxa la isugu iman.

"QM waxay qireysaa kulankii Dorraad ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka Septembe,” ayaa lagu yiri qoraalka QM.

     Qoraalka Mareykanka ayaa u muuqda canaan kale oo loo diray madaxda Soomaalida, ayada oo qoraal kale oo soo baxay 21-kii bishan loogu she egay madax goboleedyada inaysan Muqdisho ka bixi karin illaa heshiis laga gaaro.

     "Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho hadda ah. Saciid Cabdullahi Deni, Axmed Mado obe, Axmed Kaariye Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen waa inay joogaan Muqdisho ilaa heshiis doorasho laga gaaro. Fashilku ma ahan ikhtiyaar,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka ee 21-kii March.

Jeneral Odowaa oo xika ka qaaday taliye sare + Sababta

        Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Od awaa Yuusuf Raage ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Guutada 10aad ee Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoo gga Dalka, General Maxamed Cali Caddow (Sanka).

     Digreeto ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xilkaasi loogu magacaabay Korneyl Cabdirashiid Saciid Cabdi (Gooje), oo muddo dheer ku soo jiray arrimaha ciidanka.ka hor intii aan xilka laga qaadin General Maxamed Cali Caddow ayaa looga yeeray Magaa lada Muqdisho, oo maalmihii la soo dhaafayba uu ku sugnaa.

     Ujeedada xilka looga qaaday waxay ka dambe ysay, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu ku lug leeyahay musuq maasuq lagu eedeeyay Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Federa alka taabacsan.

      Saraakiisha kale ee musuq maasuqan lala xiriiriyay waxaa ka mida Taliyaha Ciidanka Xasili nta ee Gobolka Gedo, Bakaal Kooke. Ma cadda in musuq maasuqaasi lagu helay iyo in kale.

      Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Khamiistii xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka, Cismaan Nuur Xa aji (Macalimuu), oo lagu eedeeyay wada shaqayn la’aan iyo cabasho ay ka soo gudbiyeen dadka  deegaanka.

    Warqad uu soo saaray Wasiir Kuxigeenka Arri maha Gudaha ee Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxa med Xuseen, haatana ka mid ah Masuuliyiinta Dowladda Federaalka uga wakiilka ah Gobolka Gedo ayaa Axmed Buulle Gareed loogu magaca abay inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gedo.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

    Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caa lamiga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq ayaa dhiggiisa dalka Masar mudane Saa mix Shukri kala hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin la haa iskaashiga labada dhi nac ka dhaxeeya.

     Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar Axmed Xaafid ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka sidoo kale looga hadlay hor umarada kala duwan ee ka socda geeska Afrika iyo sidii la isaga kaashan lahaa xasiloonida iyo na bad gelyada qaaradda Afrika.

     Wafdiga la socda wasiirka arrimaha dibadda xukuumaada federaalka Soomaaliya waxaa ka mid ah wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya mudane Xasan Macallin Khaliif.

Ujeedka ka dambeeya safarka uu Muqdisho ku yimid wasiirka difaaca Talyaaniga

     Wasiirka difaaca dalka Talyaaniga Guerrini Lorenzo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Dorraad soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana lagu waramayaa inuu dalka u yimid arrimo la xiriira ciidamada.

     Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku dhaweeyay taliyaha ciidamada xoogga dal ka Janaraal Odaw aa Yuusuf Raage iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

      Sida la fahamsan yahay, Guerrini Lorenzo wu xuu u yimid Muqdisho inuu la kulmo xubnaha ugu sarreeya dowladda Soomaaliya, wuxuuna fariin ka wadaa dowladda Talyaaniga oo dooneysa iney ka qeyb qaadato tayeynta ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawine ysay tayeynta ciidamada muddooyinkii ugu dam beeyay, waxeyna soo saartay cutubyo badan oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga ku waas oo hadda u muuqda iney cudud weyn kusoo kordhiyee dowladda.

     Si kastaba imaatinka wasiirka difaaca talyaan iga iyo arinta laga dhawaajiyay ee tayeynta ciidam ada oo laga wadahadlo ayaa imaaneysa xilli mucaaradka ay walaac xoogan ka qabaan ciidam ada Soomaalida ee la xoojinayo, maadaama ay u arkaan in dano shaqsi ah loo adeegsado, lana baa lmaray habkii guud ee qaranimada.

Ururka MIDOWGA AFRIKA oo war kasoo saaray qeyb sanaanta shirka Afisyoone

      Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mou ssa Faki Mahamat ayaa shaaca ka qaaday wal aaca ay ka qabaan kala qeybsanaanta shirka wad atashiga ee ka socda teendhada Afisyoone ee Muqdisho, islamarkaana ay isha ku hayaan khilaafyada lagu xali nayo arrimaha doorashooyinka.

Shirkan oo ay diideen Axmed Ma doobe iyo Saciid Deni ayaa u dhaxeeya Farmaajo iyo madax goboleedyada taabiciyiinta ah.

     Mr.Moussa Faki ayaa sheegay arrintan ay wal aaca ugu weyn  ka qabaan maadaama la sheegay in madaxweynayaasha maamul goboleedyada ay san u dhameyn ka qeybgalka shirka la rabay inuu ka qabsoomo Afisyooni.

       Gudoomiyaha guddiga midowga Afrika ayaa ku booriyay dhinacyada iney u midoobaan arrima ha taagan ee lagu xalinayo khilaafka doorashooyin ka laguna jaangoynayo heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Muqdisho.

     "Waxaan xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika inay sii wadaan taageerada ay sii nayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee ku aadan rabitaankooda ah in si deg deg ah loo aba abulo doorasho nabadeed oo hufan,” ayuu yidhi Moussa Faki.

      Goor sii horreysay oo Dorraad ah ayaa Safa aradda Mareykanka ee Soomaaliya waxa ugu baa qday Farmaajo inuu xaqiijiyo in si buuxda looga wada-qeyb galo shir madaxeedka doorashada, islamarkaana uu dhameystiro heshiis doorasho, halka ay madax goboleedyada ugu baaqday inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruudo hordhac hor-dhigin.

      "Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqii jiyo ka qeybgal dhameystiran oo ku aadan shir ma daxeedka, uuna soo dhammeystiro heshiis door asho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed     Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruud    ku xirin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

        Maalintii labaad ayey teendhada Afisyooni shir hal dhinac ah ku leeyahiin madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdull aahi Farmaajo, saddexda maamul ee taageersan dowladda federaalka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

      Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaan wali kasoo qeybgalin shirka oo maalintiisii labaad galay, waxaana jirta in beesha caalamka ay Habeen hore dalbadeen in maalmo dheeri ah lasiiyo si ay tabashooyinka jira u xaliyaan.

DF oo gaadiid aan xabada karin ka dejisay Gedo

      Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Shalayeyd ay dowladda Soomaaliya ka dejisay degmada Doolow diyaarad siday gaa diidka aanay xabadu karin.

     Gawaadhida laga dejiyay Doolow ayaa waxa garoonka de gmadaas kula wareegay Guddo omiyaha degmada Doolow, Cali Faarax Mire, Taliye Bakaal Kooke iyo Taliyaha NISA ee degmadaas.

      Si cad weli looma oga cida gawaaridaas ay u wado dowladda federaalka, waxayna kusoo aa dayaan xili ay Dorraad soo baxday in Wasiirka amniga Jubbaland oo si weyn isku hayaan uu wa da-hadal la furay dowladda, si heshiis looga gaaro xaalada dagaal ee ka taagan gobolka Gedo. Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa isagu shaaca ka qaaday inuu bilowday wada-hadal u dhexeeyo isaga iyo do wladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda gobolka Gedo.

     Janan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa qiray inu u haatan wada-hadal hoose kula jiro dowladda dhe xe oo uu horey ula dagaalamay, kadib iska hor ima adyo ka dhacay Beledxaawo.

     Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sidoo kale wa da-hadallada socda lamid dhigay kuwa magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedeyada, isagoona meesha ka sa aray inuu jiro wax heshiis ah oo illaa iyo hadda la ga gaaray wada-hadallada u socda isaga iyo dow ladda federaalka ah ee Soomaaliya.

     Sida ay ogaatay Caasimada Online wada-had allada ayaa waxa ay u dhexeeyaan saraakiil socota hay’adda NISA iyo xubno metalaya Janan, iyada oo u jeedada laga leeyahay ay tahay sidii uu ula heshiin lahaa dowladda dhexe, uguna soo noqon lahaa magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay joogaan ciidanka Xoogga dalka.Arrintan ayaa haddii ay ka dhabeyso dowladda federaalka waxa ay dhabar jab ku noqon doontaa Axmed Madoobe oo weyn doono guud ahaan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.

Xigasho:caasimadda.net

Guddoomiye iyo ilaaladiisii oo lagu dilay Muqdisho

      Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya wee rar kooxo hubeysan ay Dorraad ka geysteen dee gaanka Ceelsha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Debley hubeysan ayaa weerar dhabo-gal ah la beegsatay giddoomiye Waaxeed ka tir san maamulka deegaanka Ceelaha Biyaha iyo ilaalo hubeysan oo uu watay.

      Wararka ayaa sheegaya in goobta lagu dilay mas’uulkaas iyo ilaaladii waardiyeeyneysay,sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.

Guddoomiye Waaxeedka la dilay ayaa lagu mag acaabi jiray Allaha u naxari istee UK, Xuseen Cali iyo Laba ka mid ah Askatii ilaalineysay.

Ha’yad ka digtay abaaraha Soomaaliya

      Hay’adda Save the children ayaa ka digtay in biyo yarida ka taagan Soomaaliya iyo abaarta ku dhufatay deegaannada qaar ay kumannaan qof u horseedi karaan inay u baahdaan gargaar bani ’aa dannimo.

     Waxay sheegtay in haddii aan hadda xaaladda dadkaas wax laga qaban ay bilaha soo socda ku dhawaad 3 milyan oo Soomaali ah wejihi doonaan cunno yari.

     Adan Muxumed Faarax oo hay’adda Save the Children kala taliya arimaha garga arka ee Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in cabsi laga qabo in 2.7 malyan oo qof oo Soomaali ah ay wajahi doonaan cunno yari ba’aan waa haddii xaaladda wax laga qaban waayo.

Dowladda Masar oo baaq u dirtay dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya

     Xilli Dorraad  si rasmi ah u qabsoomin Shirkii Wadajirka ee Dowladda Federalka iyo Dowlad-go baleedyada ayaa waxaa socda dadaalo ay Beesha Caalamka ku doonayaan inay hal madal isugu keenaan Madaxda qeybta ka ahaa Heshiiskii Nid aamka Doorashada dalka ee ay horey u saxiixeen bishii September 17-dii ee sanadkii hore.

     Dowladdda Masar oo kamid ah dowladaha taa geera Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhamaan dhinacyada Siyaasadda Somaliya inay sii ambaqaadaan Wada-xaajoodkooda si xal dhama ystiran looga gaaro Qabsoomida Doorasho loo wada dhan yahay.

     Afhayeenka Rasmiga ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Masar, Danjire Axmed Xaafid oo Saxaaf adda kula hadlay magaalladda Qaahira waxa uu til maamay in loo baahan yahay inay qeybaha Siyaas adda Somalia si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa Doorasho Xor iyo Xalaal oo dadka Soomaalida isla ogg ol yihiin, kuna qabsoonta Waqtiga ugu dhow ee ugu mac quulsan.    

     Cakirnaanta Siyaasadda Somalia waxaa kaloo lagu soo hadal-qaaday Kulan uu Wasiirka Arrim aha Dibedda Masar si wadajir ah uu Dorraad la ye eshay dhigiisa dalka Somalia iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Villa Somalia, kuwaasi oo haatan socdaal hawleed ku jooga caasimadda dalka Mas ar ee Qaahira.

BIIXI oo qaatay tallaalkii ugu horreeyey ee COVID-19 ee Somaliland

      Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Dorraad daah-furay ololaha tallaalka xanu unka Covid-19 oo Somaliland ka bilowday, wux uuna si rasmi ah u qaatay dhibcihii ugu horreeyey ee tallaalka Covid-19.

     Munaasibadda Daah-furka olo laha tallaalka oo ka dhacday mag aalada Hargeysa ayaa waxa ka qeyb-galay madaxweynaha, Guddoomiyaha gola ha wakiillada, hoggaanka saddexda xisbi-qaran, xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo agaasimeyaal gu ud, kuwaas oo dhammaantood qaatay tallaalka Covid-19.

     Mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay munaasibadan ayaa dhamaantood waxay bulshada ku booriyeen inay qaataan tallaalka, si ay uga badbaadaan Aa fada xanuunkani leeyahay iyo halista uu nolo shooda u leeyahayba, sidoo kalena waxay shacab ka ugu baaqeen inay u dhago nuglaadaan tallaa booyinka caafimaad.

     Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay daah-furka tallaalka ayaa sheegay inuu si rasmi ah u bil aabmay, laguna  saleeyey qaadashadiisa qorsha ha wasaaradda horumarinta caafimaadku u dejis ay oo ay kaalinta koowaad leeyihiin dadka u nugul cudurkaas.

      "Dorraad waxaynu bilaabaynaa tallaalkii karo onaha oo dhawr cisho ka hor ina soo gaadhay, wasaaradda caafimaadkuna waxay u diyaariyeen dadka xagga hore u taagan la dagaallanka xan uunkan ee ay kamid yihiin bahda caafimaadka, ciidamada iyo dadka ugu nugul ee da’da ah ama cudurada gaarka ah qaba,” ayuu yiri.

     "Tallaalkii anigu waan qaatay, wax laga baqdo na malaha, marka lagu durayana dareemi maysid gacantii in lagu duray iyo in kale, wax Alle iyo wax shaki ah oo uu leeyahana ma jirto, adduunka oo dhammina wuu isku raacsan yahay, markaa dadka shakiga qaba ee leh wax baa qaldan, haddii ay Yurub tahay iyo haddii ay Maraykan tahayba waxa la isku raacay inuu yahay 100% mid aan Ban i’aadmka waxba yeelaynin, 80%-na waxtar u leh”.

     Ugu dambeyntiina madaxweyne Muuse Biixi ay aa shacabka Somaliland ku dardaaray qaada shada tallaalka, isaga oo meesha ka saaray cabs ida laga muujinaya tallaalkaan oo toddobaadyadii u dambeeyay soo gaaray dalka.

Doorashada Jabuuti: Waa kuma musharraxa kaliya ee Ismaaciil Cumar Geelle ku wajahaya doorashada?

    Dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in isbuucan uu ka billowdo ololaha doorashada madaxtinnimada oo la filayo inay dhacdo horaanta bisha April ee na gu soo aaddan.

     Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar kale ah musharrax u taagan xilka in kastoo qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ay qaaddac een doorash ada kaddib markii ay madaxweynaha ku eedeeyeen in uusan diyaar u aha yd doorasho xor iyo xalaal ah.

Laakiin waxaa ilaa hadda isasoo taagay hal    siy aasi oo tartanka ku wajihi doona. Zakariye Ismaa ciil Faarax ayaa sheegay in uu loollan galin doono madaxweynaha muddada dheer xukunka hayay, wuxuuna sheegay in uusan ka cabsaneynin ku shubasho, rajadiisuna ay ku xiran tahay oo kaliya go'aanka shacabka.

      Wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da ayuu ku yidhi: "Hadduu shakhsigu Alle talo saarto, oo uu dadaalo, dalkiisa iyo dadkiisana u sheego mashru uca uu hayo iyo wuxuu kheyraad u sido, dadka ay aa kala saari doona Alle ayaana ku gargaari do ona. Dadka aaminsan in doorashada lagu shub anayo ma aha siyaasiyiin ee waa dad wax kale wada."

     Waxaa soo baxay hadallo la isla dhex marayay oo sheegayay in Zakariye uu yahay "qof madaxw eynaha taageersan oo musharraxiinta kale u hoo saasinaya", inkastoo uu isagu beeniyay arr imahaas.

     "Waxaas waxba kama jiraan, sal iyo raad toona ma laha Allena wuu og yahay, addoonkaa la igu tu hmayna wuu og yahay inaysan jirin taas, waxaana rabaa in shacabka dalkeygu uu i rumeysto," ayuu yidhi.

Waa kuma siyaasiya kaliya ee la tartamaya madaxweynaha xilka haya?

    Zakariye Ismaaciil Faarax wuxuu ku dhashay Jabuuti 240-kii bishii October ee sanadkii 1964-kii. Wuxuu ka mid yahay ganacsatada magaca ku leh dalka Jabuuti. Shaqadii ugu horreysay ee uu qa btay waxay ahayd inuu ku biiray ciidanka Qaranka oo uu ka tirsanaa intii u dhaxeysay 1984-kii ilaa 1989-kii.

      Markii uu ka tagay howsha militariga wuxuu aaday dalka Faransiiska, halkaasoo uu kasii watay waxbarashadiisa.

Sanadkii 1993-kii 1993 ayuu helay shahaadada loo yaqaanno BTS. Markii uu dalkiisa hooyo ku laa btay 1993-kii waxa uu agaasimaha amniga ka noq day hoteel Sheraton.

     Sanadkii 2001 ayuu bilaabay xirfadiisa ganacsi wuxuu noqday hal abuure ilaa iyo hadda mashru ucyo badan hormood ka ahaa.

     Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar kii shanaad u taagan xilka, waxaana uu eedeymo badan kala kulmay siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Dhawaan wareysi uu siiyay BBC-da ayuu ku she egay in shacabka Jabuuti ay u baahan yihiin isaga.

"Runta haddaan sheego, anigu ma doonayee dad ka ayaa igu khasbaya. Dadweynaha reer Jabuuti ayaantii dhaweyd anigoo aan wali hadlin ayey shacabku, gaar ahaan dhalinyarada igu dhaheen joog oo ha dhaqaaqin. Sidaas darteed hal mar ay aan ugu dambeyn haddii Alle yiraahdo sameynno sidaas, oo aan sii joogo si shaqada wixii qabyo naga ah aan u dhammeystirno.

     "Mansab jacayl iyo madaxweynenimo wax dan ahahoo gaar ah oo aan ka doonayo ma jirto, waan gaboobay shaqaduna dhallinta ayey ku wana agsan tahay," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Sanadkii 2011-kii ayuu Geelle sheegay in uu markii ugu dambeysay xilka u tartamayo, inkastoo 2016-kii uu usoo istaagay, mar kalena 2021-ka u taagan yahay.

      Muddo 22 sano ah ayuu Ismaaciil Cumar Ge elle soo ahaa madaxweynaha Jabuuti, haddana wuxuu u xusul duubayaa inuu xafiiska sii joogo shan sano oo kale.

Toogasho dad badan ku dhinteen oo ka dhacday Mareykanka

      Nin hubeysan ayaa dilay 10 qof oo uu ku jiro askari ka tirsan booliiska ka dib markii is ras aaseyn socotay saacad oo ka dhacay suuq ku yaa la gobolka Colorado ee dalka Mareykanka. To ogashada ka dhacay magaalada Boul er ayaa wa xaa ugu dambeyn soo afjaray boolii ska oo xirey qof dhaawac ah oo looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay weerarka suuuqa King Soopers .Wee rarka oo toos looga daawanayay barta Youtube ayaa bilowday markii nin hubeysan uu soo galay suuqa ka dibna uu rasaas ku furey dadka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip