Kenya oo ku dhawaaqday arrin halis ah oo ka dhalatay…

0
Wednesday March 24, 2021 - 09:00:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo ku dhawaaqday arrin halis ah oo ka dhalatay…

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ururka dhakhaatiirta Kenya ayaa sheegay in dalkooda ay buuxsameen dhammaan sariiraha loogu talagalay dadka ay xaaladdoodu liidato ee ICU loo yaqaan.

     Sababta ay ku sheegeen in cudurka Covid-19 uu si ba’an ugu faafay Kenya. Dadka uu soo ritay cudurka ayaa waxaa kamid ah hawlwadeennada caafimaadka.

             Tirada rasmiga ah ee dadka Covid-19 uga dhintay Kenya ayaa hadda ah 2,000 oo qof.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in noocyada cudurka ee lagu arkay UK iyo Koonfur Afrika ay sabab u yihiin faafidda cusub ee cudurka.         

            Horraantii bishan ayaa Kenya waxa ay bilowday in dadka cudurka u nugul ay ka tallaasho.

Ururka ay leeyihiin hawlwadeennada caafimaadka Kenya ayaa sheegay in dalka uu wajahayo xaalad adag, xilli ay buuxsameen sariiraha lagu dabiibo dadka aadka u liita.

Kusimaha xoghayaha guud ee ururkaas, Chibanzi Mwachonda, ayaa sheegay in hawlwadeennada caafimaadka ay kamid yihiin dadka uu cudurka soo ritay.

           "10 dhakhtar oo uu cudurka ku dhacay iyagoo ku hawlan la tacaalidda bukaannada ayaa hadda jiifa cisbitaallo ku yaal dalka oo dhan,” ayuu yiri Chibanzi.

Ururka ayaa intaa ku daray in shacabka Kenya aysan u muuqan khatarta cudurka, oo ay intooda badan iska dhega tiraan talooyinka caafimaadka ee looga hortagayo faafidda Fayraska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip