Gudoomiye Xaashi "Doorasho ma dhicin, khilaafkiina waa sii siyaaday"

0
Wednesday March 24, 2021 - 08:53:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Xaashi "Doorasho ma dhicin, khilaafkiina waa sii siyaaday"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

     Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo shirarka is barbar-socda ee Magaalada Muqdisho ka socda.

     Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Madasha Badbaado Qaran oo wareysi siiyay BBC ayaa marka hore wax laga weydiiyay waxa ay Madashu ka shireyso iyo waxa uu ujeedkoodu yahay.

     "Maalin dhaweyd waxaanu sameynay Madasha Badbaado Qaran, ujeedada aan leenahayna waxaa weeye dalkan sidii loo badbaadin lahaa. Dhibaatada hadda dhacday waxaa weeye muddadii dowladda waa dhammaatay, waqtiga Madaxweynaha wuxuu ku ekaa bishii February 8-deedii, Baarlamaankuna sidoo kale wuxuu ku ekaa December 27-keedii. Labadiiba ma qabsoomin oo doorasho ma dhicin, khilaafkiina waa sii siyaaday, lagumana heshiin.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

     Mar la weydiiyay sababta aanu garabkooda uga qaybgelin shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kana socda Xerada Afisyooni ayaa sheegay inaanan isaga looba ogoleyn ka qaybgalka shirkaasi.

     Gudoomiyaha ayaa xusay in uu yahay siyaasi soddonkii sano ee la soo dhaafay u taagnaa midnimada iyo nabadda ee dalka, balse ay shirkaasi u diideen dad uu sheegay inaanay waxba ka ogeyn xaaladdii uu dalka soo maray.

     "Maba la ii ogolee maxaan ka qaybgalaa? Anigu maba diidaniyee laakiin la iima ogolo. Waxaan ahay siyaasi dalkan soddonkii sano ee dhibaatadu jirtay u taagan midnimadiisa iyo nabaddiisa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

     Gudoomiyaha ayaa yiri "Dad shalay yimid oo xaaladda dalkan soo marayba ogeyn ayaa aniga ii diiday inaan ka qaybgalo arrinta xalka Somaliya.”

Su’aal ahayd haddiiba Jubbaland iyo Puntland loo ogolaa ka qaybgalka shirkaasi sababta aanay uga qaybgelin ayaa ku jawaabay "Maamulada wax gar ah ayay keeneen, sababtoo ah saamileyda siyaasadda haka wada qaybgalaan bay leeyihiin, cid siyaasaddii lug ku leh, oo qayb ka ah in la yiraahdo kama qaybgaleyso, bal taasi halkee taggi?”

     Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa ku kala aragi duwan, sida ay arrimuhu u socdaan, waana taa midda cusleysay arrinta doorashada.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip