Waqtiga la dhageysanayo kiiska dilkii George Floyd oo la shaaciyay

0
Wednesday March 24, 2021 - 08:23:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waqtiga la dhageysanayo kiiska dilkii George Floyd oo la shaaciyay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

      12 xeer-beegti iyo saddex kale oo keyd ah ayaa Talaadadi shalay loo xulay in ay dhageystaan, kiiska Derek Chauvin oo horay uga tirsanaa ciidamada booliska gobolka Minnesota, kaas oo ku eedeysan dilka George Loyd oo ahaa nin ka mid ahaa bulshada madow ee Mareykanka.

Guddigaan xeer-beegtida ah ayaa ka kooban lix nin iyo sagaal dumar ah. Sagaal ka mid ah ayaa caddaan ah, afar waa madow halka labada soo hartayna ay yihiin dad isirkoodu uu isku dhafa yahay.   

     Dhageysiga dacwaddaan xasaasiga ah ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah uga billaabanto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Isniinta soo socota, waxaana la filayaa in ay jiitanto muddo bilooyin ah.

      Chauvin oo ah 45 sano jir ayaa muuqaal la duubay uu tusinayaa, isaga oo jilibkiisa qoorta uga haya George Floyd. Floyd ayaa ku cataabayay inuusan neefsa karin. Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka, Floyd ayaa u dhintay neefta oo ku ceshoontay.

      Derik Chauvin ayaa wajahaya dacwado isugu jira dil darajada labaad ah, dil darajada saddexaad ah iyo dil aan ula kac aheyn oo darajada labaad ah. Haddii danbi lagu helo, Chauvin ayaa wajahi doona sannado badan oo xabsi ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip