Norway Oo Dowladda Soomaaliya Ku Amartay Inay Xukunka Wareejiso

0
Wednesday March 24, 2021 - 08:20:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Norway Oo Dowladda Soomaaliya Ku Amartay Inay Xukunka Wareejiso

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

               Dowladda Norway ayaa War cusub kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa oo aan weli heshiis rasmi ah ka gaarin Madaxda.

              Qoraal kasoo baxay dowladda Norway ayaa waxaa marka hore walaac looga muujiyay xal u helid la’aanta arrimaha siyaasadda Soomaaliya, isla markaana sheegay in muhiim ay tahay in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada dhaceysa.

       Norway ayaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ku amartay inay xukunka si dhaqsi ah ku wareejiyaan, iyagoona Madaxda Soomaalida ku tilmaamtay kuwa aan lahayn rabitaan siysaaseed.

              "Dowladda Federaalka waxaa waajib ku ah xaqiijinta inay xukunka si dhaqse ah ku wareejiso” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Dowladda Norway oo kamid ah Beesha Caalamka ee saaxiibada Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip