Koox Hubeysan Oo Dil Ka Fulisay Isgoys Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

0
Wednesday March 24, 2021 - 07:56:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox Hubeysan Oo Dil Ka Fulisay Isgoys Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

     Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa saakay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Siinaay ku dilay Askar ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku sugnaa Isgoyska.

     Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in dhalinyaro watay Bastoolado ay dileen Saddex Askari oo kamid ahaa Ciidanka Booliska ee joogay Isgoyska Siinaay, iyagoona ku geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

      Askarta la toogtay ayaa kamid ahaa kuwo amniga ee koontaroolka Isgoyska, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas dhacay, isla markaana waxaa halkaas tegay Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.

       Ciidamada ayaa qaatay Meydadka Askarta la dilay, iyagoona goobta ka sameeyay baaritaano kooban oo ku aadan falkaas ka dhacay Igsoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, iyagoona markii dambe halkaas isaga tegay.

      Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay Askar ka tirsaneyd Ciidamada dowladda Federaalka, Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah, waxaana falalkaas inta badan sheegtay Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip