Soomaali dhimasho & dhaawac ku noqotay shil ka dhacay Koonfur Afrika

0
Wednesday March 24, 2021 - 07:44:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali dhimasho & dhaawac ku noqotay shil ka dhacay Koonfur Afrika

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

      Shilka oo ah mid gaari ayaa waxaa uu ka dhacay Wadada N7, gaar ahaan Magaalada Clanwilliam oo (231.5 km) u jirta Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

        Shilka ayaa yimid kadib markii uu wadada ka baxay, isla markaana uu rogmaday Gaari Toyota ah oo ay wateen Dhalinyaro Soomaali ah, waxaana shilka ku geeriyooday Wiil Dhalinyaro ah oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Muxudiin halka uu ku dhaawacmay Wiil kale oo lagu Magacaabo Maxamed Amiin Cabdullaahi.

       Muwaadinka Soomaaliyeed ee shilka Gaari ku dhintay ayaa kamid ahaa Ganacsatada Soomaalida ah eek u nool dalka Koonfur Afrika , waxaana dadka shilka galay u gurmaday Soomaalida kale ee ku nool dalkaas, iyada oo uu burburay gaarigii ay wateen dhalinyarada Soomaalida ah.

      Shilalka gawaarida, ayaa kusoo batay dalka Koonfur Afrika, iyada oo dhawaan uu Muwaadin Soomaaliyeed Shil ugu Geeriyooday nawaaxiga Johannesburg, halka Sheekh Maxamed Naxar oo kamid ah Culumada waaweyn uu Isbitaal ugu jiro dhaawac kasoo gaaray gaari kula rogmaday isla wadada N7 ee Magaalada Cape Town.




SAWIRKA MUWAADINKA SHILKA KU DHINTAY




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip