Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo qirtay arrin uu muddo qarinayay

0
Wednesday March 24, 2021 - 07:22:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo qirtay arrin uu muddo qarinayay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

     Ra’isulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Talaadadi marki ugu horreysay xaqiijiyay, in ciidamo ka socda dalka deriska la ah ee Eritrea gudaha u galeeb gobolka Tigray, inti lagu guda jiray dagaalka sokeeye ee gobolkaasi ka socda.

       Ka dib muddo bilooyin ah oo ay dowladda Itoobiya ka meer-meeraysay qirashada ah in ay ciidanka Eritrea joogaan gobolka Tigray, ayuu shalay Abiy Ahmed u sheegay baarlamaanka Itoobiya, in sababta ciidanka xukumadda Asmara ay uga soo tallaabeen xadka ay tahay, cabsi ay ka qabeen weerar uga yimaada dhanka jabhadda TPLF.

       Ciidanka TPLF ee u dagaallama xorriyadda gobolka Tigray ayaa dhowr jeer madaafiic ku garaacay Eritrea tan iyo inti ay waqooyiga Itoobiya ka billowdeen colaadda sokeeye.

     Abiy ayaa sidoo kale marki ugu horreysay qiray, in ay dhaceen gabood-fallo ay ka mid yihiin kufsi intii uu socday dagaalka gobolka Tigrayda, isaga oo ballan-qaaday in la ciqaabi doono kuwi falkaasi ka danbeeyay.

      Colaadda ka taagan gobolka Tigray ayaa billaabatay 4-ti bishii November ee sannadki hore, kaddib marki ciidamo daacad u ah jabhadda (TPLF) oo hora yuga tirsanaa ciidanka dowladda ay weerareen, saldhig millatari oo ay ciidanka dowladda federaalka Itoobiya ku lahaayeen gobolka Tigray.

Abiy Axmed oo ku dhawaaqay go’aan lama filaan ah oo ku aaddan dagaalka Tigreega





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip