IGAD oo war kasoo saartay is-mari waaga u dhaxeeya madaxda Soomaalida

0
Wednesday March 24, 2021 - 06:36:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IGAD oo war kasoo saartay is-mari waaga u dhaxeeya madaxda Soomaalida

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

IGAD oo war kasoo saartay is-mari waaga u dhaxeeya madaxda Soomaalida

 

      Urur goboleedka IGAD oo war ka soo saaray khilaafka hareeyey doorashada Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey in shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uusan u qabsoomin sidii loogu talagalay.

      "IGAD waxay ku boorineysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha inay ka waantoobaan ficil kasta oo carqaladeynaya dadaallada lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadalka, loona sii xoojiyo ismari waaga siyaasadeed ee hada jira,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay IGAD.

      Sidoo kale IGAD ayaa ku boorisay hoggaamiyayaasha Soomaalida inay dib ugu laabtaan dhabaha wadahadalka oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan isku tanaasul, iyadoo la tixgelinayo danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

     "Danaha dadka Soomaaliyeed ayaa weli ah kuwa ugu muhiimsan, hoggaanka Soomaaliyeed-na waa inuu ka dhabeeyaa himillada shacabka ee ah in la helo doorasho nabdoon, loo wada dhanyahay, xor ah, caddaalad ah oo lagu kalsoonaan karo. Guul darradu maahan ikhtiyaar,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya xubin ka tahay.

     Ismari-waa xoog leh ayaa ka jira hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, waxaana si heshiis looga gaaro dhammaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada la isugu keenay magaalada Muqdisho, balse weli caqabado hor leh ayaa ku hor gudban inay isi-soo hor fariistaan, oo heshiis ka gaaraan qodobada ay isku hayaan.

      Beesha caalamka ayaa wada dadaallo aan kala joogsi laheyn, si heshiis guud ay doorashada uga gaaraan madaxda Soomaaliya, waxayna xubnaha beesha caalamku maalmihii iyo saacadihii la soo dhaafay soo saareen qoraalo canaan iyo tilmaamo isugu jiray.

      Qoraalkii u dambeeyey ee lagula hadlay madaxda Soomaalida, waxuu ka soo baxay xafiiska Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, waxaana lagu yiri, "Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal dhameystiran oo ku aadan shir madaxeedka, uuna soo dhammeystiro heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruud ku xirin.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip