JANAN oo xaqiijiyey inuu 'wada-hadal kula jiro' DF

0
Tuesday March 23, 2021 - 19:43:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JANAN oo xaqiijiyey inuu 'wada-hadal kula jiro' DF

    Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa shaaca ka qaaday inuu bilowday wada-hadal u dhexeeyo isaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda gobolka Gedo. Janan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa qiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa shaaca ka qaaday inuu bilowday wada-hadal u dhexeeyo isaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda gobolka Gedo. Janan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa qiray inuu haatan wada-hadal hoose kula jiro dowladda dhexe oo uu horey ula dagaalamay, kadib iska hor imaadyo ka dhacay Beledxaawo. Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sidoo kale wada-hadallada socda la mid dhigay kuwa magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedeyada. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in uusan jirin wax heshiis ah oo illaa iyo hadda laga gaaray wada-hadallada u socda isaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online wada-hadallada ayaa waxa ay u dhexeeyaan saraakiil socota hay'adda NISA iyo xubno metalaya Janan, iyada oo u jeedada laga leeyahay ay tahay sidii uu ula heshiin lahaa dowladda dhexe, uguna soo noqon lahaa magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay joogaan ciidanka Xoogga dalka. Arrintan ayaa haddii ay ka dhabeyso dowladda dhexe waxa ay dhabar jab ku noqon doontaa Axmed Madoobe oo weyn doono guud ahaan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. Si kastaba Janan ayaa horey loogu xiray magaalada Muqdisho, isaga markii dambe ka baxsaday gacanta dowladda, dibna ugu laabtay magaalada Kismaayo, isaga oo markii dambe u wareegay dhanka gobolka Gedo, kadibna dagaal ka bilaabay Beledxaawo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip