HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 23-MARS 2021

0
Tuesday March 23, 2021 - 09:47:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 23-MARS 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

DF oo war kasoo saartay shirka halka dhinac ah ee Shalay ka furmay Afisyoone

     Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Abuukar Du bbe ayaa warbaahinta kula hadlay xerada Afisyoone oo lagu ballansanaa inuu Shalay shir uga furmo madaxda maamul goboleedyada, madaxweynaha mu ddo xileedkiisa dhamaaday iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir,

     balse dhinacyada qaar ay soo xaadiri waayeen.

Shirkaan ayaa waxa ka qe yb-galay ra’iisal wasaar aha xilka sii-haya Mudane Max amed Xuseen Rooble, ma daxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaa riye (Qoor Qoor) , Koonfur Galbeed Mudane Cabd icasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xu seen (Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Bana adir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

      Wasiir Dubbe ayaa sheegay in shirkii uu Shalay furay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu soo idlaaday wajigiisi koowaad Shalayeyd, kaasi oo ahaa furitaanka Shirka oo ka qabsoomtay hoolka Afi syoone Shalay subaxdii, ayada oo ay ka maqan yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

     Sidoo kale waxa uu sheegay in shirka uu sii socon doono, si dalka uu u aado doorasho, isagoona ugu baaqay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay soo xaadiraan shirarka dambe ee madaxdu is kugu imaaneyso.

     "Waxay ujeedadiisu aheyd sii ambo-qaadista sidii loo hirgelin lahaa heshiisyadii 17-kii September ee Muqdisho iyo 16-Kii Fabraayo ee Baydhabo ee ay soo diyaariyeen guddigii Farsamo. Waxaa dhamaan kasoo qeyb-galay qeybihii la casuumay ee madaxw eynaha, marka laga reebo dowlad goboleedyada Pun tland iyo Jubbaland madaxdooda,” ayuu yiri.

    Wuxuu hadalkiisa raaciyey "Shirka wuu sii socon doonaa ilaa berito, waxaana rajeyneynaa in madaxda maqan ay berito kusoo biiraan shirka hadii alle raali ka noqdo.”

     Md.Dubbe ayaa carabka ku adkeeyay in Farmaajo uu diyaar u yahay wada-hadal, islamarkaana uu Shalay dhan xaadir ka ahaa goobta shirka, kaasi oo ay ka maqnaayeen madaxda Puntland iyo Jubbaland oo si weyn uga soo horjeeda hanaanka doorasho ee dowladda waqtigeedu dhamaaday.

      Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay rajo ka qabto in labada madaxweyne ee Shalay aan ima anin shirka ay kasoo qeyb gali doonaan, walow ay jir aan warar quus istaajinaya rajo walba oo laga qabay maadaama lasoo warinayo iney wataan shuruudo ba dan oo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaad ay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo horay uga bi yo diiday.  Hadalkaan ayaa imanaya xili ay madaxda Punt land iyo Jubbaland ka madax adeygayaan ka qeyb-galka shirka Afisyoone, maadama ay kasoo ho rjeed an Farmaajo oo ay ka dhamaatay muddo xil eedkiisa sharciga ah iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday.

Xog: 6 qodob oo xasaasi oo ay dalbanay aan Deni iyo A/Madoobe si shirku u furmo

         Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, iyo madaxweynayaashii hore ee dalka oo ku mideysa Madasha Badbaado Qaran ayaan kasoo qeyb-gelin shirka Afisyoone ee beesha caalamak ay garwad eenka ka tahay, ayada oo shirka ay tageen Madaxwe ynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cab dullaahi Farmaajo iyo madaxweyne goboleedyada taabacsan. Shalay, Farmaajo iyo saddexda maamul ee taabiciyiinta ah ayaa tagay Afisyooni waxeyna ku yeesheen shir la mid ah midkii ay Habeen hore ku yeesheen Villa Somalia, maadaama aysan soo xaadirin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo goor sii horreysay oo Habeen hore aheyd sheegay iney saluugsan yahiin ajandaha shirka, lana rabo in la marin habaabiyo waxa la rabo in laga hadlo.    Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in xubnaha ku jira Madasha Badbaadada Qaran ay ku doodayaan in wax laga qabto afar qodob ka hor inta aanu shirku billaaban, kuwaasi oo kala ah:

     1- In amniga goobta shirka la sugo, islamarkaana Ma daxweyne Farmaajo ciidankiisa ka saaro si loo helo kalsooni amni iyo wadahadal caafimaad qaba.

     2 – In madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaa rkood ku ware ejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed   Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka door ashada.

     3 – In hogaaminta shirka loo dhiibo beesha caal amka maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Ma daxweynaha islamarkaana uusan laheyn sharciyad uu ku hogaamiyo, ama hoggaan la iska dhex-doorto balse ay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo.

      4 – In laga tala-geliyo Ajandaha shirka oo Habeen hore shaacisay Villa Somalia iyadoo aan kala tashan ma amulada kale ee dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Deni.

     5 – In shaqada laga joojiyo taliyayaashii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday mucaaradka 19-kii February.

     6 – In wada-hadallada shirka laga qeyb geliyo Mu caaradka iyo Aqalka Sare si xal loogu helo dhamaan tabashooyinka Soomaaliya.

     Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamullada taageersan waxey Habeen hore ku heshiiyeen in shirka lagu soo koobo kaliya natiijadii kasoo baxday shirarkii lab ada maalin ee guddiga farsamada ku yeesheen Bay dhaba 15-kii iyo 16-kii February.

      Sidoo kale waxey isla garteen in xubno ka socda midowga musharaxiinta aan loo ogolaan iney talo ku yeeshaan waxa lagu heshiinayo, walow qudbado la siiyay madaxweynayaal hore sida ku cad ajandaha

Sidoo kale madaxweynaha muddo xileedkiisa dhama aday wuxuu doonayaa in shirka dhan lagu soo koobo wixii la isku diiday shirkii Dhuusamareeb 4 oo ay ka mid ahaayeen arrinta gobolka Gedo, Guddiyada Doo rashada iyo arrinta Somaliland.

      Dhanka kale labada maamul goboleed ee Jubbal and iyo Puntland oo ku lamaanan midowga musharax iinta iyo siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka gud oomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi wa xey doonayaan in laga hadlo ka hor shirka qodoba daan soo socda:

Q/Midoobey oo war ka soo saartay fashilka ku yimid shirkii Muqdisho

     Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya (UN SOM) ayaa war ka soo saaray fashilka hareeyay shi rkii wadatashiga qaran ee Shalay, ka dib markii aanay ka qaybgelin Madax weyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland.

     Shirkan ayaa wax aa Xerada Afisyooni ee M/ Muqdisho ka furay Madax weynaha JFS, Maxamed C/hi Farmaajo, waxaana ku wehli nayay Ra’iisal Wa saaraha Xukuum adda, Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoona uu qorshuhu ahaa in looga hadlo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

     Ka hor furitaanka shirka waxaa uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu ku baaqay in marka hore laga hadlo arrimaha Ciidanka Qaranka, ka hor inta aan la guda gelin doodaha door ashooyinka.    War ka soo baxay Xafiiska UNSOM ay aa dhinacy ada loogu baaqay inay yeeshaan kula mo aan toos a hayn, si is afgarad looga gaaro khilaafka wiiqay han naanka geedi-socodka ee doorashoo yinka.     Warka ayaa marka hore lagu yiri "Qaramada Mido obey waxa ay ka war haysaa kulanka Shalay ee hor udhaca u ahaa shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ka qabsoomo, oo qayb ahaan ay goobjoog ka ahaa yeen dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.”

     "Qaramada Midoobey waxay ku baaqaysaa kula mo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xaqiijiyo ka soo qaybgalkii loo baahnaa, oo ah mid dhamey stiran, si loo gaaro aragti la isku raacsan yahay oo ku saabsan qaabka doorashada ee 17-kii September.”

  Dhanka kale Danjiraha Ingiriiska ee Somaliya, Kate Foster ayaa iyana ku baaqday in wadahadalada aan tooska ahayn ay sii socdaan, si looga gudbo caqab adaha hareeyay arrinta doorashada.

     "Wadahadal dheeri ah waa inuu sii socdaa. Ka qa ybgal buuxa iyo is afgarad buuxa oo ku saabsan hir gelinta qaabka doorashada ee 17-kii September. Waa wadada keliya ee horey loogu socon karo iyo tan ugu wanaagsan ee danta Somaliya.” Ayay tiri Ka te Foster oo warkan ku sheegtay qoraal ay dadka ku la wadaagtay barteeda Twitter-ka.

Qaramada Midoobey oo xafiis ka furanay sa Dhuusamareeb

     M/ Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galm udug ayaa waxaa Shalay gaaray xubno ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya.

     Xubnahan oo isugu jiray farsmo yaqaano iyo khub aro amni ayaa waxaa hoggaaminayay Tomoko Kub ota, iyadoo ujeedka socdaalko odu la xiriiray hubinta iyo sahminta goobta loo asteeyay inay noqoto Xaf iiska Qaramada Midoobey ee Galmudug.  Ka dib hawlgalkooda u kuur gelidda iyo sahminta ee xaruntooda cusub ayay Mad axtooyada Dhuus amareeb kula kulmeen Madaxwey ne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, kaasoo boggaadiyay in Q/Midoobe ay soo saldhigato Galmu dug.

    "Waan soo dhaweynaynaa in hay’adaha kala duw an ee Qaramada Midoobey ay ka hawlgalaan Gal mud ug, xafiisna ay ka furtaan, si ay ugu adeegaan bulshada Galmudug, si dhowna ay ula shaqeeyaan laamaha kala duwan ee Dowladda Galmudug.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenku.

                Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan ayaa boo qashadii uu dhawaan ku tagay Galmudug wuxuu bal laqaaday in hay’adaha UN-ka, sida ugu dhaqsi yaha badan u soo deggi doonaan Galmudug.

Madasha Badbaado Qaran Oo Kulan Deg-Deg Ah Ku Yeelaneysa Muqdisho

 Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Gu ddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaal iya ayaa Goor dhow kulan deg deg ah ku yeelanaya M.Muqdi sho. Kulanka Madasha Badba ado ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadeed dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorasha da ka dhaceysa Soomaaliya oo aan weli heshiis laga gaarin. Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka Madasha intiisa badan diirada lagu saari doono Shir ka la filayo in Shalay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku yeeshaan Teendhada Afisyooni. Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland SA

xmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaan ka qeyb gelin kulan hordhac ah oo uu shir Guddoomiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo oo barqanimadii Shalay ka dhacay Afisyooni. Kulanka oo hordhac u ahaa Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ayaa waxaa ka qeyb galay Ra'iisul Wasaaraha xilka sii-haya, Madaxweyneyaasha Gal mudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiya Gobolka Banaadir

Qoorqoor oo booqasho ugu tagay Cabdicasiis Lafta

      Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Madaxweynaha Koonfur  Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ku booq day hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegtay in labada Madaxweyne ka wadahadleen arrimaha doorashoo yinka ee dalka iyo sidii gudbi la haa caqabadaha ku horgudban doorashooyinka.

    "Labadda Madaxweynaha ay aa ka wadahadlay dar dargelin ta arrimaha doorashoo yinka ee dalka iyo dadaalada ay ugu jiraan sidii heshiis loo ga gaari lahaa arrima han taagan.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Galmudug ku leed ahay Facebook.             Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli uu fashilka ku bilowday shirkii Madaxda DF/D/Gobo leedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Ban aadir lagu waday inay ku yeeshaan Xerada Afisyooni. Tani ayaa ka dambeysay markii aanay shirkaasi ka qaybgelin Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland.

      Si kastaba ha-ahaatee Wakiilada Beesha Caal amka ayaa Xalay Magaalada Muqdisho ka wada dadaaladii ugu dambeeyay, ee Madaxda Jubbaland iyo Puntland looga dhaadhicinayo inay shirkaasi ka qaybgalaan.

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Gedo Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

     Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoo gan oo waaberigii hore ee Shalay oo Isniin ah ka dha cay agagaarka Garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Xarunta Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka la gu aasay ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan DFS, xili ay socdaal ku marayeen wadada aada dhin aca Garoonka diyaaradaha.

        Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ay aa u sheegay in jugta qaraxa laga maqlay inta badan gudaha degmada Baardhe ere, isla markaana qaraxa kadib la maqlay rasaas fa rabadan oo ay fureen Ci idanka dowladda. Inta la xa qiijiyay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku geeriyooday qara xaas ka dhacay Baardhe ere, mana jiro wax khasa aro ah oo dadka shacabka kasoo gaareen qaraxaas dhacay.

       Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qad ka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas'uuliyada qaraxa oo ay ku dhinteen laba Askari, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan.

Weerar khasaare lagu gaarsiiyey ciidam ada AMISOM oo ka dhacay SH/DHEXE

       Wararka ka imaanaya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi oo ka tirsan HirShabelle. Dagaalka oo saacado qaatay ayaa yimid, kadib markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saldhig AMISOM ee deegaanka Miir-Taqwa ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

       Qaar ka mid ah dad ka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawa qa rasaasta iyo hubka ay is weydaarsanayeen laba da, islamarkaana uu jiro khasaare ka dhashay. Al- Shabaab oo war kasoo sa artay dagaalkaasi waxa ay shaacisay in ugu yaraan 1 askari ay ku dileen weerar kaasi, kuna dhaawaceen 2 kale oo ka tirsan ciidam ada AMISOM.

      Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciid amada AMISOM, Burundi oo ku aadan dagaalkaasi la sheegay in ciidankooda wax yeelo lagu gaarsiiyey. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku su gan oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowla dda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Inta ba dan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weer aro gaadmo ah ku qaada fariismaha ciidamada hu wanta ee ku yaalla gobollada dalka.

  Agaasimaha Guud ee W.W.S oo furay tababar ku saabsan tebinta arrimaha Doorashooyinka

    Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo  Dalxiiska XFS Md. Naasir Xuseen Xa san ayaa tababar ku saabsan teb inta doorashooyinka u furay wari yayaal ka ka socda warbaahinta dowlada, kuwa dowlad goboleed yada, gobolka iyo kuwa ga arka loo leeyahay.

     Muddada uu tab abarka socda waxaa warfidiyee nada gu daha lagu barayaa qa abka loo tabiyo warar ka la xiriira hannaanka doorashooyinka lugu wado in ay dhawaan dalka ka qabsoomaan. Agaasimaha Guud ee W/Warfaafinta XFS ayaa kula dardaarmay ka qeyb galayaasha taba barka in ay ka faa’ideystaan aqoonta tababar, islama rkaana si wanaagsan u dhuuxaan si ay beri Bulshada ugu soo tebiyaan warar hufan oo la xiriira arrimaha doorashooyinka.

 Maxey ahaayeen diyaaradaha Militari ee Shalay kasoo degay garoonka Muqdisho?

     Waxaa faah-faahino laga helayaa diyaarado daga al oo la sheegay in laga leeyahay dalka Turkiga oo Shalay kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aden Ca dde ee magaalada Muqdisho.

      Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in diyaaradah aas dagaal ee Turkiga laga leeyahay ay saanad Mil itari u wadeen dowladda federaalka Soomaaliya.

      Waxyaabaha aan xogta ku helnay iney wadeen waxaa ka mid ah gaadiidka culus ee dagaalka, oo ay ku jiraan Dabaabbado, hubeedka nuucyadiisa kala duwan oo aan ka gudbeynin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

 Hubkaan iyo gawaaridaan gaa shaaman oo Shalay lasoo gaarsiiyay Muqdisho, wa xaa la sheegay iney isticmaali doonaan cutubyo ka ti rsan ciidanka Gorgor, ee Turkiga uu u tababaray.

      Maalmahii ugu dambeeyay  in ka badan 1000 (kun) askari oo ka tirsan ciidamada Gorgor ayaa dib ugu soo laabtay Soomaaliya, kuwaas oo tababar ku soo  dhameystay dalkaas.

      Wararka qaar ayaana sheegaya in 1500 askari ka le laga qaaday Muqdisho kuwaas oo la doonayo in la gu soo tababaro dalka Turkiga.

Hormuud Salaam Foundation oo $50,000 ugu dee qday Abaaraha ka jira Gobolka Gedo.

         Hormuud Salaam Foundation oo looga bartey in eey gacan ka geeysato xaaladaha adag ee lasoo gu dboonaado dadka Soomaaliyeed ayaa Shalay $50,000 oo dollarka Mareykanka ah Ugu Deeqday Gurmadka Abaaraha ee ka jira Gobolka Gedo.

      Horrmuud Salaam Foundation waxaa aay 50,000 oo doolarka mareekanka ku wareejisay Al-Raxma Fo undation oo oo ah hey,ad maxali ah oo ka shaqeysa GOBOLKA GEDO, haatana Biyo dhaamin iyo gurm ad ka wada Godolka GEDO.    Munaasanad lacgtaasi lagu wareejinayay ayaa Shalay lagu qabtay Xafiiska Hormuud Salaam Foun dation ee magaalada Muqdisho. Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Maamulaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo til maa may in gurmadkan uu qeyb ka yahay Kaalamada Hormu ud Salaam Foundation markastaa la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed

       Wuxuuna sheegey inaanay deeqdan noqon midii ugu danbeeysey, horayna aay gacan uga geysan jire en markastaa oo xaalad adaga kasoo gudboonaato Gobolka Gedo, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaa liyeed ineey ka qeybqaataan gurmadka.

     Madaxa fulinta Al-Raxma Foundation Maxamed Aadan Waadi ayaa gudoomay lacgta 50-kan ee doo lark  mareekanka oo Hoormuud SaaamFoundation ay ugu talagashay dadka ay saameeyeen abaaraha iyo biyada la’aanta ka jirta Gobolka Gedo wuxuuna uga mahad celiyay Hormuud Salaam Foundation sida ay uga jawaabtay baahida ka jirta gobolka gedo wuxu una ka codsaday dadka soomaliyeed gaar ahaan gan acsada inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka walaaleheen ah ay abaaruhu saameeyeen.

      Hormuud salaam foundation ayaa aalaaba gacan weyn ka geysata kaqeyb qaadashada ugurmashada shacbiga soomaaliyeed xiliyada ay soo wajahaan abaaraha. shirkada hormuud oo deeq gaarsiisay gob olka Gedo

20 sano kadib, Somalia oo taagan meel aan laga fileyn

20-kii sano ee ugu dambeysay siyaadda Soomaaliya waxey aheyd xarig isku dhiib, waxaana ka soo hana qaadayay Dimuqraadiyad curdan ah.

Xukunka ayaa waxaa isu dhiibay oo si nabad ah u kala wareegay afar Madaxweyne oo mid kasta ilaaliyay dhaqanka xarig isku dhiibka iyo ilaalinta dastuurka ku-meel gaarka ah.

Mudadaas oo ay Soomaaliya ku jirtay daganaanta siyaasadeed iyo doorashooyinka sida nabadgalyada ah ku dhaca, waxaa dalka ku soo dhiiraday wadamo badan oo dunida ah, kuwaas oo safaarado ka furtay Muqdisho, qaar kale ayaa dalka ka sameeyay maalin gelin sida Turkiga.

Wadooyin, suuqyo, bankiyo, iyo hormar weyn ayey sameysay Muqdisho iyo qaar kamid ah gobalada dalka. 20 sano kadib dadka Soomaaliyeed wadnaha ayey farta ku haayaan.

Ma jirin qof ku fikirayay in 2021 Madaxweyne Soomaaliyeed oo raadinaya dan gaar ah uu dalka gelin doono jawhareer siyaasadeed. Sidoo kale ma jirin filasho ah in maamul gobaleedyada dalka u kala safan doonaan mucaarad iyo muxaafad halkii ay aheyd in ay dalka ka saraan marxalada adag.

Maamul goboleedyada dhibaatada dalka u horseeday ayaa ah kuwa markii horeba madaxdooda kursiga loo boobay, oo u abaal-gudaya ninkii kursiga u boobay.

Khilaaf adag ayaa ka jira Soomaaliya waxaana kooxo isku aragti ah usii kala baxaya hay’adihii dowladda, maamul gobaleedyada dalka iyo baarlamaanka.

Waxaa socoto kala jiidasho maamulada ah waxaana sidoo kale sii xoogeestay cabsida laga qabo in dalka ka dhacdo doorasho nabad-galyo ah. Caqabado badan ayaa ku hor-gudban shirka Shalay la filayo in uu ka furmo Muqdisho loogana hadlo doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudo xileedkiisa dhamaaday 40 cesho ka hor ayaa ka aamusan xaalada wadanka. Dhibaa tada Soomaaliya kaliya ma ahan maareen la’aanta waqtiga kala guurka ah ee sidoo kale waxaa ka jira amni darro, abaaro xoog leh iyo cudurkaCovid-19.


Wafdi ka socda QM oo gaaray Kismaayo kulam ana ka bilaabay

      Madaxweyne Ku-xigeenka 1aad ee Dowlad Gob oleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Xa runta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hogaami nayo ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelm oula, oo ay weheliyaan xubno ka socdo Hay’adaha  UNHCR, WHO, UN OCHA WFP iyo kuwo kale.

      Kulankaan ayaa looga hadlayaa soo laba kacla ynta Caabuqa Covid-19 iyo wax ka qabashada Aba araha ka jira deegaanada Jubbaland.

     Masuuliyiintan ayaa sheegay in Jubaland ay ku garab istaagayaan dadaalka ay ugu jirto sidii wax loo ga qaban lahaa abaaraha iyo Xaalada kale ee bini ’aadantinimo taas oo ay qeyb ka tahay sidii loo abuuri lahaa qorshe waara oo lagaga hortagayo Xaaladaha noocan oo kale ah.

      Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay ayaxa ku habsaday qeybo badan oo Jubaland kamid ah iyagoo balan qaaday in ay Dowlada ka tageeri doonan sidii dhibaataas ay uga soo kaban lahayeen beeraleeyda iyo xoolaleeyda deegaanka.

Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyay Wariye Kilwe Aadan

      Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabd ullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.13 Maarso 22, 2021, kuna saabsan fidin Cafis Gaar ah.      Madaxweyn aha  Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 11aad Markuu arkay: Qodobka 149-aad. ee Xeerka Ciqaabta Soom aaliyeed

Wuxuu xeeriyey:

      Waxaa cafis Madaxweyne oo gaar ah loo fidiyey Xukumane Kilwe Aadan Faarax

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweyn uhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Somaliland oo wajaheysa mowjaddii labaad ee cudurka Covid-19

    Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanu unka Covid-19 oo mawjadii labaad ah.

      Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in ha dda ay xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka ka le ee looga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baa hdana ay soo rogi doonaan tallaaboyin dheeraad ah.

       Maxamed Cabdi Xargeeye oo ah agaasimaha gu ud ee wasaaradda caafimaad Somaliland ayaa BBC u sheegay in haatan uu si deg deg ah ku faafayo cu durka xilli ay diiwaangeliyeen kiisas hor leh.

Wuxuu sheegay in arrimaha horseeday in cudurka uu mar kale uu kusoo laba kacleeyo Somaliland ay ka mid tahay inay soo bateen kulamada dadweynaha gaar ahaan ololaha doorashada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip