Sawiro laga helay xarun ay ku jiraan dad muhaajiriin ah dalka Mareykanka

0
Tuesday March 23, 2021 - 08:49:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawiro laga helay xarun ay ku jiraan dad muhaajiriin ah dalka Mareykanka

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maamulka madaxwayne Biden ayaa sheegay inay furi doonaan xarumo dheeraad ah oo la dajiyo dadka muhaajirinta ka dib markii ay soo baxeen sawirada xero lagu hayo dad soo galooti ah oo ku taalla gobolka Texas.

Sawirada ayaa muujinaya caruur ku sugan qolal cooshado ka sameysan islamarkana aad ciriiri u ah.

Xaruntani ku taalla gobolka Texas, ee ay dowladda maamusho oo gaar ahaan ku taalla Donna oo ku taalla xuduuda Mareykanka iyo Mexico ayaa la sheegay inay ku jiraan 1,000 qof.

Sawirada la helay ayaa ah kuwii ugu horeeyay oo muujinaya xaaladda ay ku sugan yihiin dadka xarunta i ku jira tan iyo intii uu xilka la wareegay madaxwayne Joe Biden.

Dadka dhaliila maamulka Mr Biden ayaa sheegaya in sare ay u kacday tirada muhaajiriinta sharci darada ah ee Mareykanka soo galaya.

Tan iyo intii uu xilka la wareegay bishii January, Mr Biden waxaa u meesha ka saaray xayiraadihii uu madaxwaynhii ka horeeyay, Donald Trump uu ku soo rogay soo galootiga sharci darada ah.

Maamulka Mr Biden ayaa waxay laaleen xeerarkii dib u celinayay caruurta aan waalidkood wehelin ee xudduuda soo gaara, taa badalkeedana waxaa la wareegaya qoysaska Mareykanka ah.

Isniintii, Jen Psaki ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay ka shaqeynayso sidii ay u marti galin lahayd oo ay hoy u siin lahayd dadka cusub ee imanaya "maalmaha iyo toddobaadyada so socda".

"Goobo ay caruurta ka heli karaan daryeel caafimaad, waxbarasho iyo waliba dhaqaalaha lacagaha dhanka sharciga," ayay tiri.

Hadalkeeda ayaa ku soo beegmay ka dib markii wakiilka Congreska ee gobolka Texas Henry Cuellar, oo isagu ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, uu soo saaray sawirada caruur ku jirta xarun ku taalla Donna.

Waxaa ka mid ah dadka goobtan ku jira caruur

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Qoraalka sawirka, Waxaa ka mid ah dadka goobtan ku jira caruur

Sawiradan la sheegay in la qaaday maalmihii Sabtida iyo Axadda ayaa waxaa walaac laga muujiyay suurtagalnimada in aysan halkaasi ka jirin kala fogaanshiyo xilli uu caalamka ka jiro feyriska Corona.

Xarunta xakameynta cudurada ee Mareykanka ayaa ku talisay in dadka ay isu jirsadaan min labo mitir si uusan cudurka corona u faafin.

Sawiradan ayaa waxaa laga muujiyay walaac

BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip