Tacsida Magufuli: Carruur ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Tanzania

0
Tuesday March 23, 2021 - 08:43:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tacsida Magufuli: Carruur ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Tanzania

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Haweeney iyo afar carruur ah ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday dalka Tanzania xilli baroor-diiq loo sameynayay madaxweynihii geeriyooday John Magufuli, sida ay booliska dalkaas u sheegeen BBC.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gaari karto illaa 40 qof, balse booliski ma uusan xaqiijin arinkaas.

Tobanaan kun oo qof ayaa isugu tegay garoon kubadda cagta lagu dheelo oo ku yaal magaalada Daari Salaam, si ay usoo eegaan meydka madaxweynaha hore.

Magufuli ayaa shacbiyad badan ku dhex lahaa dalka Tanzania, waxaa lagu xusuustaa xukunkiisii aan gabashada lahayn.

Dadka dhaliilsan ayaa se ku eedeyn jiray inuu ahaa keli-taliye aan u nixin dadka ka fekerka duwan.

Waxa uu si weyn u naqdiyay jiritaanka Fayraska Korona iyo saameynta uu ku yeeshay Tanzania. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in Magufuli uu u geeriyooday Covid-19 walow aan la xaqiijin sheegashadaas.


 
,

XIGASHADA SAWIRKA,Qoraalka sawirka, Kumannaan qof ayaa usoo baxay si ay u eegaan meydka madaxweynaha geeriyooday.

Murugo ballaaran

Xaaska Dennis Mtuwa, laba carruur ah oo uu dhalay, wiil iyo gabar uu adeer u ahaa ayaa la xaqiijiyay in dhammaantood ay ku dhinteen isbuurashada Axadii ka dhacday Daari Salaam.

"24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan ku sugnaa xaalad adag. Xoogaa nasri ah ayaan dareemaa marka ay dadka ila joogaan, balse marka aan keli ahay, waxaan isoo wajaha murugo ballaaran," ayuu Mtuwa u sheegay BBC.

Taliyaha booliska ee magaaladaas, Lazaro Mambosasa, ayaa sheegay in Talaadada uu faahfaahin ka bixin doono khasaaraha ka dhashay isbuurashada.

Kumannaan ah shacabka Tanzania ayaa maanta ka qeybgalay baroor-diiq qaran oo Magufuli loogu sameeyay caasimadda Dodoma. Waxaa sidoo kale munaasabada ka qeybgalay madax Afrikaan ah.

Qaaradda Afrika waxaa "gilgilay geerida nin isbedal sameeyay," ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Felix Tshisekedi oo ka hadlay munaasabada.

,

XIGASHADA SAWIRKA,Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Felix Tshisekedi

Madaxweynaha cusub ee Tanzania, Marwo Saamiya Suluhu Xasan, ayaa sheegtay in Magufuli ay ku xusuusan doonaan sida uu u kaalmeyn jiray dadka saboolka ah.

"Ma uusan ahayn hoogaamiyaheenna oo keliya ee sidoo kale waxa uu dad badan u ahaa waalid, iyo nin daacad ah," ayay tiri Madaxweyne Saamiya.

Mas'uuliyiinta Tanzania iyo inta badan shacabka munaasabada joogay ayaan raacin talooyinka caafimaad ee ka hortagga Fayraska Korona, kuwaas oo uu baalmari jiray hoogaamiyaha geeriyooday.

Hase yeeshee waxaa sidaa si ka duwan uu afka u xirnaa hogaamiyayaasha soo booqday Tanzania.

Magufuli ayaa Jimcaha lagu aasi doonaa magaalada uu ku dhashay ee Chato, oo ku taal waqooyi galbeed Tanzania.

,BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip