Qoorqoor Iyo Deni Oo Kulan Gaar Ah Yeeshay, Xili Khilaaf Xoogan Uu Ka Dhex Jiray

0
Tuesday March 23, 2021 - 08:28:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoorqoor Iyo Deni Oo Kulan Gaar Ah Yeeshay, Xili Khilaaf Xoogan Uu Ka Dhex Jiray

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Hotelka Chelsea Village ee ku yaalla xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde.

      Kulanka oo saacado socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, xalinta khilaaf ka dhex jiray labada Madaxweyne iyo doorashada ka dhaceysa Soomaaliya oo aan weli heshiis laga gaarin.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay Idaacadda Dalsan ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka oo kasoo kala jeeda labada maamul ay isku keeneen Qoorqoor iyo Saciid Deni, sidaasina ay kulanka ku yeesheen.

      Sidoo kale Axmed Qoorqoor iyo Saciid Deni ayaa isla gartay in la xaliyo khilaafka ka dhex jiray labada dhinac, isla markaana lasii amba qaado sidii looga wada hadli lahaa caqabadaha ku hor gudban doorashada dhaceysa.

     Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan iyo Madaxweyneyaasha ay isku soo hadal qaadeen Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku dhexmaraya Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.

      Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa muddooyinkan soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed, kaddib hadal jeedintii bishii hore ee Madaxweyne Saciid Deni oo uu ka carooday Madaxweyne Qoorqoor.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip