XOG:- Guddoomiye Mursal oo ku howlan qorshe halis ku ah mucaaradka iyo muddo kororsi cusub

0
Tuesday March 23, 2021 - 07:59:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG:- Guddoomiye Mursal oo ku howlan qorshe halis ku ah mucaaradka iyo muddo kororsi cusub

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

        Waxa soo baxaya warar sheegaya in gudoomiyaha barlamanka Mohamed Mursal uu hada diyaarinayo mudo kordhin loo samaynayo xukuumada iyo baarlamanka madama laga quustay doorashadii dadbanayn,islamarkaana la isku mari la’yahay.

      Gudoomiyaha golaha shacabka Mohamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo boqolal xildhibaano ah ayaa arintaan kulan ka yeeshay,iyaga oo falanqeeyay sida looga gudbi karo ismari waaga taagan iyo khilaafka doorashada ka dhashay.

     Qorshahaan oo ah kala doorasho ayaa dhabarjab ku noqonaya mucaaradka madaxweynaha iyo mamulada Puntland iyo Jubbaland,waxaana ku jira muddo kororsi loo sameynayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.

  1. In mudo kordhin laba Sano ah loo sameeyo Madaxwaynaha iyo Xukuumada federalka ah.
  2. In baarlamanka labada aqal ayaguna mudo kordhib laba Sano ah la siiyo markii laga reebo Cbdixaashi oo asagu ka boobay xayn-daabkii baarlamanka,laguna milmay Isbaheysiyada la sameeyay ee lagu mucaaradayo Farmaajo.
  3. In lasoo celiyo Gudigii doorashooyinka Qaranka ee ay guddoomiyaha u aheyd Xaliimo Yareey,islamarkaana ay ka sii fakaraan nooca doorasho ee la qaban karo.
  4. In doorashadii hore ee Xaliimo yareey ay codsatay in Sanad lasiiyo markaa loo ogolaado dhammaan qorshayaashaana ay fulaan

      Qorshahaan fulitaankiisa waxa auu ku xiranyahay shirka wadatashiga oo haddii uu fashilmo,islamarkaana ay imaan waayaan Deni iyo Axmed Madoobe lagu dhawwaaqi doono,isaga oo dhabarjab Siyaasadeed oo cusub ku noqonayo mucaaradka.

      Beesha caalamka ayaa laftirkeedu ka fakareysa sidii laga yeeli lahaa xaaladaha isdiidan,waxaana suuragal ah hadii ay ka quustaan Axmed Madoobe iyo Deni in ay taageeraan qorshaha socda ee muddo kororsiga,taas oo ay u

       Aragto dan iyo in meel cidla ah aysan noqon taageeriadii dhinac walba aheyd ee ay siisay Soomaaliya,10-Sano ee la soo dhaafay.

XOG:- Guddoomiye Mursal oo ku howlan qorshe halis ku ah mucaaradka iyo muddo kororsi cusub


XIGASHO:CEELDHEER.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip