Qaramada Midoobey oo xafiis ka furanaysa Dhuusamareeb (SAWIRRO)

0
Monday March 22, 2021 - 21:41:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobey oo xafiis ka furanaysa Dhuusamareeb (SAWIRRO)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

     Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta gaaray xubno ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya.

     Xubnahan oo isugu jiray farsmo yaqaano iyo khubaro amni ayaa waxaa hoggaaminayay Tomoko Kubota, iyadoo ujeedka socdaalkoodu la xiriiray hubinta iyo sahminta goobta loo asteeyay inay noqoto Xafiiska Qaramada Midoobey ee Galmudug.

      Ka dib hawlgalkooda u kuurgelidda iyo sahminta ee xaruntooda cusub ayay Madaxtooyada Dhuusamareeb kula kulmeen Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, kaasoo boggaadiyay in Qaramada Midoobe ay soo saldhigato Galmudug.

      "Waan soo dhaweynaynaa in hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey ay ka hawlgalaan Galmudug, xafiisna ay ka furtaan, si ay ugu adeegaan bulshada Galmudug, si dhowna ay ula shaqeeyaan laamaha kala duwan ee Dowladda Galmudug.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenku.

       Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan ayaa booqashadii uu dhawaan ku tagay Galmudug wuxuu ballanqaaday in hay’adaha UN-ka, sida ugu dhaqsiyaha badan u soo deggi doonaan Galmudug.

XIGASHO:-DHACO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip