Tirada Dadka Laga Helayo Cudurka COVID-19 Ee Gudaha Somalia Oo Sii Kordheysa

0
Saturday March 20, 2021 - 20:41:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Dadka Laga Helayo Cudurka COVID-19 Ee Gudaha Somalia Oo Sii Kordheysa

    Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 42 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 5 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 42 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 5 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 5 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntland (29) gobalka Banaadir (10) iyo Koonfur Galbeed (3) qof, 31 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 11-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 9,968 waxaa bogsootay 4,424 Ruux. guud ahaan 419 ruux oo kale ayaa u geeriyootay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ku baraarujisay inay qaataan Tallaalka ka hortagga Caabuqa COVID-19 ee AstraZeneca, kaasi oo haatan si habsami leh uga socda gudaha dalka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip