Wasiir Dubbe oo warbaahinta la wadaagay 3-qodob oo xasaasi ah + Video

0
Saturday March 20, 2021 - 19:10:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Dubbe oo warbaahinta la wadaagay 3-qodob oo xasaasi ah + Video

    Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa'id ku qabtay magaalda Muqdisho ayaa ka hadlay seddax arrimood oo kala ah. 1. Xayiradaha, qaadashada tallaal iyo talooyinka la xariira cudurka Coronavirus. 2. Arrimaha door

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa'id ku qabtay magaalda Muqdisho ayaa ka hadlay seddax arrimood oo kala ah. 1. Xayiradaha, qaadashada tallaal iyo talooyinka la xariira cudurka Coronavirus. 2. Arrimaha doorashooyinka, isagoo shaaciyey halka uu ka dhacayo shirkii uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo 22-ka bishan. 3. Iyo qodobka seddaxaad oo ah kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya.


Ugu horeyn wasiir Dubbe waxa uu sheegay in xariyaadihii labada todobaad ahaa ee horay loogu soo goray goobaha waxbarashada dalka uu hadda waqtigoodii dhamaaday, balse mar kale ay dowladu go’aamisay in goobaha waxbarashadu sii xirnaadaan laba todobaad oo kale, si looga guuleysto cudurkan.

Sidoo kale bushada Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada iyo dadka ka shaqeeya goobaha muhiimka ah, ayuu ka dalbaday inay iska tallaalaan cudurka, isagoo sheegay in 90 goobood oo ku yaalla gobolka Banaadir hadda laga doona karo tallaalka Coronavirus.

Arrimaha doorashada – wasiir Dubbe waxa uu sheegay in shirka looga hadlayo doorashada ee xalay uu iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo uu ka dhici doono xarunta Xalane oo ah halkii ay ku adkeysteen madaxda Jubbaland iyo Puntland in lagu qabto shirkaas, maadaama sida ay sheegeen aysan isku aamini karin goobaha kale ee magaalada Muqdisho.

Kiiska badda – wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sababa Kenya ay ku andacootay inay uga hartay dacwadii badda ee dhawaan ay qaaday Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Waxa uu sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku kalsoonyihiin waxii ka soo baxa xukunka badaas ee laga sugayo Maxkamadda ICJ.

Hoos ka Daawo





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip