Faransiiska iyo dalal kale oo reer Yurub ah oo bandow cusub lagu soo rogay

0
Saturday March 20, 2021 - 11:17:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faransiiska iyo dalal kale oo reer Yurub ah oo bandow cusub lagu soo rogay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

New York-KNN-Dawladaha Faransiiska iyo Poland ayaa dadkooda ku celinaya bandaw guud si looga hortago faafintaan xanuunka Karoona.

Xukuumadda Faransiiska amar kasoo baxay waxaa lagu sheegay in bandawgaan cusub uu saameyn doono qiyaastii 21 million oo dalkaas ku nool.

Magaalada caasimada ah ee Paris waxaa bandawga lagu soo rogayaa markii sadexaad tan iyo bishii November ee sanadkii hore kadib markii uu soo ritay dadkii ugu badnaa waayahaan

Tareenadda ka baxa magaalada caasimada u ah dalka Faransiiska ayaa la hakin doonaa muddo 3 todoobaad ah.

Magaalooyinka kale ee waa weyn ee Faransiiska ayaa isku socodka gaadiidka la joojin doonaa in muddo ah.

Faransiiska in ka badan 4 million oo qof waxaana u geeriyooday 92 kun oo ruux.

Sidoo kale dawlada Poland ayaa bandaw ka dhigtay dalkaas intiisa badan waxaa lala mamnuucay in la furo maqaayada iyo goobaha kale ee dadku iskugu yimaado.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip