Ciidamo Fuliyay Howlgal Lagu Qabtay Dad Ay Ku Jiraan Ganacsato Yar-Yar

0
Saturday March 20, 2021 - 18:11:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Fuliyay Howlgal Lagu Qabtay Dad Ay Ku Jiraan Ganacsato Yar-Yar

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ciidanka Maamulka Puntland ayaa howlgal dad badan lagu soo qabtay saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, xili halkaas ay ka dhaceen falal amni darro ah.

Ciidamada ayaa howlgalka ku qabtay rag loo shakiyay inay wadeen falal amni darro, kuwaasi oo lagu xiray Saldhiga Ciidanka Puntland, isla markaana sida la sheegay lagu wado baaritaano kala duwan.

       Saraakiil ka tirsan Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ragga la qabtay oo tiro ahaan gaaraya ilaa iyo 20 dhalinyaro ah, looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa tilmaamay in dadka la qabtay ay ku jiraan qaar kamid ah dadka Magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland ku dhex wareejiya Ganacsiga yar yar, ayna ku socdaan baaritaano.

Ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa PSF ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo lagu soo qabtay dad farabadan ka fuliyay Gaalkacyo iyo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, halkaas oo uu ka dhacay weerar lagu qaaday Xabsiga Magaaladaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip