Ciidamada ammaanka oo qabtay ninkii geystay dil ka dhacay xeebta Jaziira

0
Saturday March 20, 2021 - 17:58:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada ammaanka oo qabtay ninkii geystay dil ka dhacay xeebta Jaziira

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Jaziira-KNN-Ciidamada deegaanka Jaziira ee koonfurta magaalada Muqdisho ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin hubeysan oo shalay qof shacab ahaa ku dilay xeebta Jaziira, marxuumka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii u damaashaad tegay xeebtaas.

Saraakiisha ciidamada ka howlgala deegaanka Jaziira ayaa ninkaas la soo qabtay ku wareejiyey maamulka ka dhisan deegaanka Jaziira, kaas oo hoos taga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wararka aan heleyno waxay intaas ku darayaan ninka la qabtay ee lagu eedeynayo dilkaas hadda loo soo gudbiyey xarunta dhexe ee dembi barista booliska Soomaaliya ee CID-da.

Sababta ka dambeysay dilkaas waxaa lagu sheegay, in ninka hubeysan uu isku deyey inuu telefoonkiisa ka dhaco marxuumka, balse uu isku deyey inuu iska difaco, taas oo keentay inuu ku furo rasaastii dishay marxuumka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip