Puntland Oo Hirgelisay Xarun Hor Leh Oo Lagu Baarayo Cudurka COVID-19

0
Saturday March 20, 2021 - 17:54:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Hirgelisay Xarun Hor Leh Oo Lagu Baarayo Cudurka COVID-19

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland ayaa magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug ka furtay shaybaarkii shanaad (5aad) ee Puntland lagu baarayo Cudurka halista ah ee COVID-19.

Shaybaarka laga daahfuray Magaalada Galdogob ayaa waxaa uu yahay mid loogu tala-galay in lagu baaro qofka qaba Cudurka ama isaga shakisan, waxaana Wasaaradda Caafimaadka Puntland sheegtay in Shaybaarka kamid noqonaya kuwo lagu baaro Cudurka.

    Duqa degmada Cabduqaadir Sheekh Ibraahim oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shaybaarka ayaa waxaa uu tilmaamay in shacabka shacabka degmada ay heleen goob lagu baaro xanuunka markii labaad kusoo labada kacleeyay Soomaaliya, isagoona u mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cabdinuur Yusuf Xaaji oo isaguna ka hadlay furitaanka shaybaarka ayaa yiri " Waxaan ku faraxsanahay inaan ka furayo Magaalada galdogob shaybaarkii 5aad oo Puntland Wasaaradda Caafimaadku ka hirgalisay kuwaas oo si wanaagsan’

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa culayska saartay tan iyo markii xanuunka uu soo gaaray gudaha Soomaliya sidii looga hortegi lahaa faafida Cudurka halista ah ee COVID-19, isla markaana furtay dhowr Xarumood oo lagu baaro Cudurka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip