Saldhigga booliska garoonka Aadam Cadde oo la hoos geeyey taliska qeybta guud

0
Saturday March 20, 2021 - 09:51:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga booliska garoonka Aadam Cadde oo la hoos geeyey taliska qeybta guud

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde hoos gooyey taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax banaan.

Warqad kasoo baxday taliyaha Booliska ayaa lagu sheegay in haatan wixii ka dambeeyey saldhigga garoonka uu ka mid noqon doonto saldhigyada Booliska ee obolka Banaadir.

Sidoo kale tallaabadan ayaa ka dhigan in awoodda magacaabista iyo xil ka qaadista saldhigga garoonka uu leeyahay taliska Booliska gobolka Banaadir.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada uu qaaday taliyaha Booliska ee saldhigga garoonka lagu hoos geeyey taliska qeybta guud, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dano siyaasadeed laga leeyahay arrintaasi.

 

Si kastaba arrintan ayaa kusoo aadeysa, xilli maalmihii dambe dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayay xerada Xalane oo uu ku yaallo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Saldhigga booliska garoonka Aadam Cadde oo la hoos geeyey taliska qeybta guud




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip