Shiinaha oo ammaanay ayeeyo iska dhicisay nin weeraray

0
Saturday March 20, 2021 - 07:04:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha oo ammaanay ayeeyo iska dhicisay nin weeraray

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ayeeyo 76 jir ah oo Shiinaha u dhalatay kuna nool Mareykanka taas oo la dagaallantay nin soo weeraray ayay dad badan oo Shiinaha ku nool ammaan u soo jeediyeen.

Xie Xiaozhen ayaa dooneysay inay goyso waddo ku taalla San Francisco markii nin uu feer ku dhuftay, sida ay sheegtay.

Waxay durbadiiba ku garaacdau ul alwaax ka sameysan, sida ay sheegayaan wararka.

Waxaa bilihii la soo dhaafay soo badanayay weerarrada ka dhanka ah dadka Ameerikaanka ah ee ka soo jeeda qaaradda Aasiya.

Hal ku dhigga "Ayeeyo Ameerikaan-Eeshiyaan ah ayaa ka aargoosatay nin soo weeraray" ayaa aad la iskula dhex marayay barta lagu sheekeysto ee Shiinaha laga leeyahay ee Weibo, iyadoo ay daawadeen 1.4 bilyan oo qof.

Dad badan ayaa ammaanay Ms Xie, iyaga oo sheegay inay "geesiyad", tahay halka kuwo kalena ay tilmaameen inay "cashar u dhigtay".

Qaar kale ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadka Ameerikaanka ah ee Aasiya ka soo jeeda ay "midoobaan" ayna "dagaallamaan... ama haddii kale ay dhibtoon doonaan oo loo caga jugleyn doono".

Mid ka mid ah dadka isticmaala Weibo ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Aasiya ka soo jeeda gebi ahaan inay midoobaan iyaga oo aan eegeynin kala duwanaanshahooda.

"Shiinaha, Japan iyo Kuuriyada Koofureed weligood iskuma fiicneyn, balse dadka dalalkaas ka soo jeeda ee Mareykanka ku nool, fadlan midooba sababtoo ajh awooddiinna ayaa xoogganaan doonta."

'Aad ayay u argagaxday'

Weerarka ayaa Arbacadii dhacay xilli ay Ms Xie, oo asalkeeda ka soo jeedda Guangdong, ay sugeysay inay waddada goyso.

Waxaa la sheegay inay si degdeg ah ku maqashay qof ku qeylinaya "Shiinees" kahor inta aan feer looga dhufan wejiga. Way iska dhicisay iyada oo ninkii soo weeraray ku garaacday alwaax meesha ka dhowaa, sida ay wararku sheegayaan.

Muuqaal laga qaaday wax yar kaddib weerarka ayaa muujinaya Ms Xie oo barooraneysa iyada oo baraf iska saareysa isheeda oo aad u bararsan, halka ninka la sheegay inuu weerarka geystayna la arkayo isaga oo bareelle saaran. Booliiska San Francisco ayaa sheegay in ninkan oo 39 sano jir ah la xiray isla markaana ay baarayaan dhacdada.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Gabadha Ms Xie ayaa sheegtay in hooyadeed ay "aad u argagaxsaneyd" kaddib weerarka, iyadoo intaas ku dartay in isheeda midig uu dhaawac gaaray.

"Aad ayay u naxsan tahay isheedana weli way dhiigeysaa," Dong-Mei Li ayaa sidaas u sheegtay telefishinka KPIX- TV. "Isha midig weli wax kama arki karto."

Wiilka ay ayeeyada u tahay, John Chen, ayaa markii dambe barta GoFundMe deeq ururin uga furay ayeeyadiis, isagoo oo dadka ka codsanaya inay ka dhiibaan kharashaadka isbitaalka.

Weerarka looma aqoonsan mid isir nacayb ku saleysan balse bulshooyin badan oo Aasiya ka soo jeedda kuna nool Mareykanka ayaa sheegay inay baqayaan.

Xie Xiaozhen

XIGASHADA SAWIRKA,GOFUNDME/JOHN CHEN

Qoraalka sawirka,

Ms Xie ayaa iska difaacday ninkii soo weeraray

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip