Farmaajo oo ku baaqay shir kale oo deg deg ah kadib canaantii Antony Blinken

0
Saturday March 20, 2021 - 06:20:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo ku baaqay shir kale oo deg deg ah kadib canaantii Antony Blinken

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale shir isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada, shirkaas oo dhacaya 22-ka bishan March.

"Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

"Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah.”

Shirkan ayaa noqonaya kii afaraad ee Farmaajo uu ku baaqo tan iyo markii muddo xileedkiisa dhammaaday 8 February, ayada oo dhammaan shirarkii kale ay diideen madax goboleedyada madaxa-banaan ee Jubaland iyo Puntland.

Inkasta oo shirka uu Farmaajo ku baaqay uu ka dhacayo Muqdisho, haddana lama shaacin halka uu si gaar ah uga dhacayo, haddii ay tahay Villa Somalia iyo Teendhada Afisyooni oo ah halka ay ku baaqday beesha caalamka.

Baaqa Farmaajo ayaa yimid sacado un kadib markiixoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken uu sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga walaacsan tahay is-mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya, oo uu sheegay inuu abuurayo hubanti la’aan siyaasadeed oo halis gelinaya amniga, xasiloonida iyo horumarka dalka.

"Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay meel iska dhigaan hadafyada siyaasadeed ee kooban, oo ay qaataan mas’uuliyadda ay u hayaan shacabka Soomaaliya, ayna deg deg isugu raacaan qabashada doorashooyin deg deg ah, loo dhan yahay islamarkaana daah-furan,” ayuu yiri Blinken.

Farmaajo oo ku baaqay shir kale oo deg deg ah kadib canaantii Antony Blinken


XIGASHO:-CAASIMADDA.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip