Jawaab qoraalka Senator Abdiwahid Goonjeex.

0
Saturday March 20, 2021 - 05:46:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaab qoraalka Senator Abdiwahid Goonjeex.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..


Senator Abdiwahid Goonjeex oo heyb dhow ay wadaagaan Madaxweynaha Wakhtigu ka dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmajo ahna Murashax u taagan kursiga uu ku fadhiyo oo ay ku haystaan rag la heyb ah sida Hassan Kaafi. Ayaa si uu u beer dulucsado Farmajo maanta qoray qoraal xaqiiqda ka fog.

Senator Goonjeex ma waxaad horumar siyaasadeed u taqaan:

1. Wixii Baydhaba ka dhacay oo lagu xasuuqay shacab Soomaaliyeed ayadoo loo adeegsaday ciidamo Ethiopian ah

2. Wixii lagu sameeyey Madaxweyne Xaaf iyo Galmudug oo lugooyo ahayd iyo shacabkii lagu xasuuqay Dhuusamareeb oo ah Gobolka aad Senatorka u tahay. Hal mar kama aadan dhiidhiyin, kamana gilgilan

3. Dhibaatadii, lugooyadii iyo cunoqabateyntii shacabka iyo Dowladda Jubbaland loo geystay

4. Waxaad shalay difaacday in Qalbi Dhagax cadow loo dhiibo

5. Doorashadii Hirshabelle oo macmalka ahayd ee NISA gacanta kula jirtay.

Senator waxaad ku soo kortay oo wax ku baratay wakhtigii Dictatorka Siyaad Barre.

Markii shalay Shacabka la xasuuqayey, la bara kicinayey, Baraagaha la jebinayey, Hargeisa la duqanayey, boqolaal kun Dalkooda laga qaxiyey way kula sax sanayd.

Jabhaduhu waxay ka dhiidhiyeen dulmi iyo bur bur sababay ilaa iyo tan maanta taagan.

Dictatorkii waa tuu Dalka ka cararay oo Nigeria baxsad ku tegay.

Alhamdulilaah maanta Soomaali waxaa u dhisan Dowlad Goboleedyo ay Puntland iyo Jubbaland ugu horeeyaan.

Tan shisheeyaha aad ka hadashay lacagta Qatar iyo lugooyada Eritrea ku hayaan Soomaaliya kuuma muuqato miyaa ??

Senator Goonjeex, shalay waxaad ahayd kacaan dambiile ah. Maanta waxaad markale difaacaysaa Dembiile kale.

Hadal kuuma furna. Ragga haybta kula ah dulmiga ay ku galayaan hogaanka Dalka ha u noqon sandareero. Allah u toobad keen. Dulmigana ka hor imow.

Qoraalka Goonjeex hoos ka daalaco !!!!

Kaddar oo Dibi Dhal

Maxaa hortaagnaa in doorashadu waqtigeedii ku dhacdo?

Ma madaxda qarankaa,ma mucaaradkaa,ma ajnebibaa?

Haddii inta fahamkeyga ah ummadda Soomaaliyeed an la wadaago; Somalia silsilado cadow ayaa ku xirxiran oo ay ku kasbatay meesha Alle dejiyey(Geographical Location) iyo khayraadka Alle siiyey(Natural Resources).

Quwado doonaya inay ka faa’ideystaan labadaas arrimood, isla markaasna an ku heshiin karin ayaa midiba meel u jiideysaa iyagoo xeelado isu dhow adeegsanaya: rajo-gelin qofeed,laaluush iyo jaajuus si ay burburka noogu hayaan himiladoodana u gaaraan.

Ilaahay qaddarti iyo dareenka shacabku wuxuu keenay,2017 ,dowlad u socota xagga dowladnimada:


a)Qab dowladeed leh oo raggii loo afduubnaan jirey gaabsadeen.
b)Ammaano dowladeed leh oo ummadda waxeeda xafidday.
c)Ciidan qaran leh oo an qabiil ahayn,heeganna u ah difaaca qaranka.
d)Kasbatayna taageerada shacabka.

Qodobbadaas an kor ku sheegay waxay cadowga ugu muuqdeen,waa say tahaye,kuwo
danahooda iyo damacooda dilaya.
Haddaba,cadowgii wuxuu xoojiyey farsamo kasta oo uu ku dumin karo dowladdaas. Waxayna noqotay in gacan lagu burburiyo,mar haddii codka shacabka an la helayn.
Doorasho nooc kasta ah waa la diidey si dowladda waqtigeeda loo dhammeeyo saamayn is-le’egna(equal footing) loo yeesho,oo qarqarka la is kula dhego.
Siddeeddii Febraayo la dhaaf, 19kii la dhaaf ,shacabkiina inuu dalka iyo dowladda burburiyo diid.

Intaasi markii ay guul darraysatay,waxaa Xamar yimid oo markii hore natiijo kale sugayey, maamulladii maqnaa.

Maxaa la filayey hadday yimaadeen?
Ummaddu waxay sugeysey in wixii lagu heshiiyey 17kii Sept.iyo talo-soo-jeedintii guddigii farsamo ee Baydhabo in miiska la soo saaro,laga doodo,doorashana la aado.

Kaddar oo dibi dhal.Waxaa maanta lagu dhawaaqay Golaha Badbaadada Qaran(Somali Salvation Forum).

Soomaaliyey,halkaas waxaa burburaya dadaalkii muddo la soo wadey,meel dhowna marayey, waxaana hubanti la’aan gelaya doorashadii rajadeedu soo dhawaatey.

SOMALI SALVATION FORUM,muxuu kaga duwan yahay jabhadihii ku magaca ahaa oo qaarna samaysmeen xilligii KACAANKA qaarna samaysmeen xilligii burburka sida:
SOMALI SALVATION DEMOCRATIC FRONT(SSDF) ,1978.
iyo SOMALI SALVATION COUNCIL (SSC),SODARE 1996.

Gunaanad”

Soomaaliyeey,waad aragtaan meesha naloo celiyey,waxaa khatar ku jira qarannimadii,waxaa horteenna yaal inaan kala dooranno QARAN iyo QABIIL iyo
FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
iyo SOMALI SALVATION FORUM.

"Allahayow nin daacad ah, Allahayow ni daallim ah, deeqdaada ha u simin” Hadraawi

xigasho:-ceeldheer.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip