Somtel oo daahfurtay barnaamijka sanadka ee saamileyda shirkadda

0
Thursday March 18, 2021 - 21:26:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somtel oo daahfurtay barnaamijka sanadka ee saamileyda shirkadda

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel Somalia ayaa soo agaasintay xafladda sanadlaha ee saamileyda Somtel, iyadoona ay shirkaddu ku daahfurtay saamiyo cusub sanadkan 2021.

Munaasabadan oo lagu qabtay Hotel Giyaajo ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida Ururada Dhaliinyada, Aqoonyahanada, Ururada Haweenka, ganacsato iyo shakhsiyaad caan ah, mas’uuliyiinta ugu sareysa Shirkadda Somtel & Dahabshil Group, intaba.

Munaasabaaan oo ay bulshadu aad u daneynayeen ayaa waxaa laga dareemay hoolka ay munaasabada ka dhaceeysay & dad weynaha kale ee baraha bulshada ee shirkadda su’aalaha ka soo weydiinayay, iyadoo saamiyada laga daahfuray Suuqyada Somtel ee Somaliland & Puntland.

Ugu horeyntii waxaa munaasabadda ka hadlay Madaxa Waaxda Ganacsiga Somtel, Cabdullaahi Cali Caamir, oo ku dheeraaday ahmiyada saamileyda shirkaddu u leeyihiin, isagoo tilmaamay inay ka qayb qaataan suuqgeynta adeegyada shirkadda.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay Saamileyda Shirkadda Somtel Somalia, oo Codkooda uu ku hadlayay Cabdiraxmaan Cumar Wiresh oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in saami lagu darsado shirkadda.

"Muddada Labada Sano aan ka mid nahay Saamileyda Somtel waxa aan helnay faa’iido dhaqaale, ayadoona shirkaddu la timid Istaraatiijyad gaar ah oo lagu kobcinaayo daqliga shirkadda, si loo xaqiijiyo qanaacadda saamileyda. Waxaan ugu baaqayaa saamileyda cusub inay ku soo biiraan Bahweynta Saamileyda ayna ka mid noqdaan milkiilayaasha guud ee Shirkadda Somtel.” Ayuu yiri Wiresh.

Ugu dambeyntii waxaa munsaabadda soo xiray Maareeyaha Guud ee Shirkadda Somtel, isagoona yiri "U jeedada aan Daah-fureyno Saamiyada Wejigii Labaad Waa in macaamiisha Somtel ay ka mid noqdaan milkiilayaasha guud ee shirkadda Iyadoo Sanadkii 2018 Wejigii koowaad aan u furnay Macaamiisheena Saamiyo dhan (1033) Saami Waxaan rajeeyneeynaa in Sedex Sano kadib Macaamiishena sharafta leh U furno Saamiyo ka badan ay Kuwii ay shirkaddu Hory ugu furtay bulshada soomaaliyeed.”

Waxaa xusid mudan in Shirkadda Somtel sanadkii 2018 ay bulshada Soomaaliyeed u daah-furtay wejiga 1aad saamiyadii ugu badnaa ebid, iyadoona bulshadu Soomaaliyeed ay ka qayb-qaateen

Macaamiishii ay horey u seegtay fursadda saami Ku darsashada Somtel wejigii Koowaad ayaa maanta soo buuxdhaafiyay Xafiisyada Saamiyada Somtel ee Magaalada Muqdisho, si ay uga faa’ideystaan fursadaan ay in badan suggayeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip