Sawiro: Meydka madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi oo laga soo dajiyay Muqdishoiyo Saladda janaasadda oo lagu tukaday

0
Friday March 12, 2021 - 12:56:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawiro: Meydka madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi oo laga soo dajiyay Muqdishoiyo Saladda janaasadda oo lagu tukaday

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Meydka madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goor dhaw laga soo dajiyay garoonka caalamiga ah ee Aadn Cadde, iyadoo laga keenay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Allaha u naxariistee madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay inuu xanuunka Covid-19 u geeriyooday, ayey diyaarad khaas ah kasoo qaaday Nairobi, waxaana laga soo dajiyay Muqdisho.

      Madaxda xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, madaxweynayaal hore, qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo ehelada Marxuumka ayaa garoonka gudaha u galay si ay salaadda Janaasada ugu tukadaan.

      Meydka marxuumka ayaa loo qaaday halka lagu aasi lahaa oo la sheegay iney tahay Masjidka Cali Mahdi oo ku yaalla dagmada Yaaqshiid, halkaas oo la sheegay in marxuumka uu ka dar-daarmay in lagu Aaso.

 

DAAWO SAWIRADA:

 



 
 
 
 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip