Midowga musharraxiinta oo war cusub kasoo saaray wada-hadallada ROOBLE

0
Sunday March 07, 2021 - 19:54:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga musharraxiinta oo war cusub kasoo saaray wada-hadallada ROOBLE

    Afhayeenka midowga musharraxiinta, Daahir Maxamed Geelle oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, siiba wada-hadallada ra'iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Maxamed Xuseen Rooble. Daahir Maxamuud Geelle ayaa sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka midowga musharraxiinta, Daahir Maxamed Geelle oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, siiba wada-hadallada ra'iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Maxamed Xuseen Rooble. Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin ka musharraxiin ahaan inay sii socdaan wada-hadallada labada dhinac, si xal looga gaaro doorashada. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in khilaafka ka jira dalka kaliya lagu xalin karo wada-hadal iyo in la'isugu yimaado miiska, si foolka fool ah. Musharraxa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrinta taagan aan lagu xallin karin fagaare kale, loona baahan yahay in lasii wado dadaalada socdo iyo wada-hadallada. "Annaga oo ka duuleyna mabda'eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra'iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro," ayuu yiri musharrax Geelle. Si kastaba hadalkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa, iyada oo uu shirkii ugu dambeeyey ee musharraxiinta mucaaradka iyo ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu kusoo dhamaaday fashil, kadib markii la'isku mari waayey qodobad qaar ee miiska lasoo saaran.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip