Wasiir la xanuunsanaya COVID-19 oo xoog looga saaray Diyaarad ku sii jeeday…

0
Sunday March 07, 2021 - 10:24:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir la xanuunsanaya COVID-19 oo xoog looga saaray Diyaarad ku sii jeeday…

    Wasiirka Arrimaha Samafalka iyo Maareynta Masiibooyinka ee dalka Koonfurta Suudaan, Peter Mayen Majongdit ayaa la sheegay in xalay loo diiday inuu raaco Diyaaradda ku sii jeeday magaalladda Nairobi. Qaar ka mid ah Rakaabkii ayaa la sheegay inay W

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Samafalka iyo Maareynta Masiibooyinka ee dalka Koonfurta Suudaan, Peter Mayen Majongdit ayaa la sheegay in xalay loo diiday inuu raaco Diyaaradda ku sii jeeday magaalladda Nairobi. Qaar ka mid ah Rakaabkii ayaa la sheegay inay Wasiirkaasi si awood leh uga saareen Diyaaradii Kenya Airways ee uu la raaci lahaa, kadib, markii ay yaqiinsadeen inuu Wasiirka la xanuunsanaa COVID 19. Qalabka lagu baaro Bukaanka la il-daran COVID 19 ee yaalla Garoonka Diyaaradaha ee ku yaalla Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba ayaana xaqiijiyey in Wasiir Peter Mayen Majongdit laga helay Xanuunkaasi. Mid ka mid ah Rakaabkii Diyaaradda ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dadkii Wasiirka xoogga uga saaray Diyaaradda. Waxa uu intaasi ku daray inay u muuqatay in Shaqaalaha Garoonka ay Heshiis Hoosaad xeer jajab ah (compromise) la galeen Wasiirka, si uu u raaco Diyaaradda. "Shaqaalaha Diyaaradda waxay inoo sheegeen inaysan arrintaasi waxba ka qaban Karin, maadaama ay Saraakiisha Ammaanka ee Garoonka ku fashilmeenm inay Wasiirka ka joojiyaan inuu raaco Diyaaradda" ayuu sii raaciyey mid ka mid ah Rakaabka. Waxaana uu intaasi ku daray inay Shaqaalaha Diyaaradda u sheegeen Rakaabka arrintaasi, taasi oo ay Rakaabka aad uga walaaceen Caafimaadkooda, kuna dhaqaaqeen inay Wasiirka xoog uga saaraan Diyaaradda, maadaama ay arrintaasi liddi ku ah Sharciga iyo Caafimaadka. Dhinaca kale, sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Samafalka iyo Maareynta Masiibooyinka ee dalka Koonfurta Suudaan waxa uu sheegay inuu Wasiirka ku sii jeeday Nairobi, isagoo ballan la ahaa dhigiisa dalka Kenya, si ay uga wada hadlaan, una saxiixaan Heshiiska Jawaabta Culayska Degdegga ee Xanuunka Saf-mareenka ee COVID 19. Sarkaalku waxa uu intaasi ku daray inay la fajaceen, kadib, markii uu Wasiirka dib ugu soo laabtay Xafiiska Wasiiradiisa, isla markaana aysan ka war haynin inuu la liicayo xanuunka COVID 19. "Waxaan la yaabnay markii uu Wasiirka dib ugu soo laabtay Wasaaradda, Annaga kama war haynin inuu Wasiirku la xanuunsanaa COVID 19, waayo arrimahaasi waxay ahaayeen Qarsoodi" ayuu yiri Sarkaalkaasi oo aan fasax u haysanin inuu la hadlo Saxaafadda. Sarkaal ka tirsan Ammaanka Garoonka Diyaaradaha ee Jubba International Airport waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo dhacdadaasi, isagoo xusay inay sir tahay inay wax ka qabtaan arrimahaasi oo kale. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Samafalka iyo Maareynta Masiibooyinka ee dalka Koonfurta Suudaan, Peter Mayen Majongdit waxaa la sheegay inay maalmihii la soo dhaafay uu muran kala dhexeeyey Ganacsade uu ka amaahday 4 gawaarida yaryar ee nooca raaxada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip