Daahir Geelle oo ku baaqay in la sii wado wada-hadalka mucaaradka iyo xukuumadda

0
Sunday March 07, 2021 - 08:23:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daahir Geelle oo ku baaqay in la sii wado wada-hadalka mucaaradka iyo xukuumadda

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku baaqay in la sii wado wada-hadalada u dhaxeeya xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta,kaas oo fashilmay Todobaadkii la soo dhaafay.

Daahir Geelle ayaa ku taliyay in aan marnaba laga daalin sii socoshada wada-hadalada,islamarkaana sheegay in ay xal u noqon karto khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii natiijo la’aan uu ku soo dhammaaday shir hoteel Ducale ay ku yeesheen midowga musharaxiinta iyo Ra’iiisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta.

Sidoo kale waxaa musharaxiintu ay ku dhawaaqeen in ay bajiyeen banaanbaxii lagu heshiiyay in uu dhaco maalinta Sabtida ah,islamarkaana sabab uga dhigay in dowladdu ciidamo soo dhoobtay goobta lagu qaban lahaa banaanbxa oo aheyd Taalada Daljirka Daahsoon.

Dhankeeda xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa soo dhaweysay gio’aanka musharaxiinta,wasiirka amniga oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku tilmaamay tallaabo bogfaadiin mudan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip