Golaha wasiirada XFS oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda..

0
Saturday March 06, 2021 - 20:25:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha wasiirada XFS oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda..

    Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay shir deg deg ah oo Golaha Wasiirradu yeesheen, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha dalka iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaraha iyo biyo y

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay shir deg deg ah oo Golaha Wasiirradu yeesheen, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha dalka iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaraha iyo biyo yaridu soo food saartay. Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ah ayaa waxaa warbixino laga dhageystay guddiga Dowladda u xilsaartay wax u qabashada dadka ay abaaruhu ku dhufteen oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kuwaasi oo Golaha Wasiirada hordhigay xaaladda deg deg ah ee ka jirta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, halkaasi oo saacidihii la soo dhaafay ay jirtay dad biyo la'aan u geeriyooday. Golaha Wasiirada ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqasiyaha badan gurmad beni'aadanimo la gaarsiiyo qoysaska uu saameeyay biyo la'aanta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip