QM oo cambaareysay qarixii ka dhacay Muqdisho

0
Saturday March 06, 2021 - 19:50:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo cambaareysay qarixii ka dhacay Muqdisho

    Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxaa looga hadlay qarixii xooganaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimad dalka kaas oo geystay waxyeelo kala duwan. Qaramada Midoobay aya asheegtay in ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxaa looga hadlay qarixii xooganaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimad dalka kaas oo geystay waxyeelo kala duwan. Qaramada Midoobay aya asheegtay in ay si xoogan u cambaareyneyso weerarkaas, islamarkaana waxa ay tacsi u dirtay ehellada ay dadkoodu ku dhinteen qaraxaasi. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa caafimaad deg-deg ah u rajeysay dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi, kuwaas oo kor u dhaafaya illaa 30 qof. "Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay," ayaa lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada qaraxii xalay ka dhacay maqaayqadda Luul Yemeni ay ka dhalatay cambaareyn xoogan, kaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, kuwaas oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo, waxaana arrimahan ay ku soo aadayaan, xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad kala guur ah la aadayo doorasho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip