Madaxweynaha Puntland oo sheegay in 80% ay ku guulaysteen dagaal ay ku qaadeen kooxdii Alshabab ee weerartay xabsiga Bosaso

0
Saturday March 06, 2021 - 19:30:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo sheegay in 80% ay ku guulaysteen dagaal ay ku qaadeen kooxdii Alshabab ee weerartay xabsiga Bosaso

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Basaso shir jaraa'id ku qabtay ayaa sheegay in 80% lagu guulaystay howl gal lagu qaaday kooxdii Alshabaab ee habeen hore weerartay xabsiga magaalada Bosaso, halkaas oo ay maxaabiisna kala baxeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Basaso shir jaraa'id ku qabtay ayaa sheegay in 80% lagu guulaystay howl gal lagu qaaday kooxdii Alshabaab ee habeen hore weerartay xabsiga magaalada Bosaso, halkaas oo ay maxaabiisna kala baxeen. Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu waqtigan howlgal ka socdo meelihii ay kasoo duuleen Alshabaab, isagoo tilmaamay inay ka ciribtiriyaan goobaha ay ku dhuumaalay sanayaan oo ay kasoo abaabulaan weerarada. Waxaa madaxweyne Deni uu qiray in Alshabaab ay ku guulaysteen in ay la baxsadaan qeyb kamid ah maxaabiistooda, inkastoo uu sheegay in ay dib usoo qabteen maxaabiis intaas ka badan kuwana ay dileen. Dhinaca kale, madaxweyne Deni, ayaa sheegay inuu meel wacan marayo baaritaanka dilkii loo geystay weriye Jamaal Faarax Aadan oo kowdii bishaan xilli habeen ah lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Warar madax bannaan oo HOL heshay waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen rag aad loogu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka weriyaha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip