Rooble oo markii 3-aad la kulmaya Musharraxiinta

0
Thursday March 04, 2021 - 21:25:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rooble oo markii 3-aad la kulmaya Musharraxiinta

    Ra'iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in markale maanta uu la kulmo xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka ee sida ay weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya. Kulankan oo noqonayaa kii saddexaad a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in markale maanta uu la kulmo xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka ee sida ay weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya. Kulankan oo noqonayaa kii saddexaad ayaa qorshuhu yahay in saacadaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii ay dhawaan gaareen labada dhinac, si horey loogu sii amba-qaado wada-hadallada. Sidoo kale kulanka dhex-mari doono ra'iisul wasaaraha iyo mucaaradka ayaa la filayaa in lagu soo qaado waxyaabaah kasoo kordhay baaritanka dhacdadii 19-kii Bishii Febaraayo. Waxaa sidoo kale shirka inta uu socdo looga hadli doonaan abaabulka dibad-baxa ay wadaan musharraxiinta ee Sabtida dhacaya, kaas oo ay ogolaatay xukuumadda. Si kastaba maalmihii dambe ayaa waxaa soconayey wada-hadallo u dhexeeyey ra'iisul wasaaraha xilka sii-haya & musharraxiinta, kuwaas oo is afgarad kusoo dhamaaday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip