Xog: Baaritaanka kiiska dilkii guddoomiyihii degmada HODAN oo la joojiyey

0
Thursday March 04, 2021 - 21:21:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Baaritaanka kiiska dilkii guddoomiyihii degmada HODAN oo la joojiyey

    Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddigii loo saaray dilka guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhagajuun ay joojiyeen baaritaankii ay wadeen kadib markii uu ka dhaqaaqi waayay shaqsiyaad saameyn weyn leh oo uu lugaha la galay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddigii loo saaray dilka guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhagajuun ay joojiyeen baaritaankii ay wadeen kadib markii uu ka dhaqaaqi waayay shaqsiyaad saameyn weyn leh oo uu lugaha la galay. Xubnaha guddiga ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintaan ay dhaqaaqi weysay kadib markii ay adkaatay in la sii wado baaritaanka sababo badan aawgeed. "Hanjabaad, caga-jugleen, cabsi gelin ayaa la kulanay waxaa uuna dilka u muuqda mid aan ku dhicin si kam ah balse uu ahaa mid la qorsheeyey. Waxaa soo faro-geliyey ganacsato maal-qabeeno ah iyo xubno sare oo ka tirsan xafiisyada dowladda, waxaa aaminsanahay in dilkiisa ay la xariirtay arrimo dhul," ayuu yiri mid ka mid ah mas'uuliyiinta ku howlan baaritaanka arrintaan oo la hadlay Caasimada Online. Masuuliyiinta arintaan ku jira ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay la wadaageen culeysyada haysta balse aan ilaa hadda laga jawaabin codsiga ay gudbiyeen, taas oo fududeyn kartay in uu sii socda baaritaanka ay ku wadaan arintaan. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kamid ah dilka guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiim Dhagajuun u saartay guddi uu hogaaminayo Cabdullaahi Buula-kameey iyo masuuliyiin kale. Hore ayey dowladda Soomaaliya guddiyo u saartay baaritaanka kiisas culus oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ugu dambeyn ku dhamaadayAF-DABOOLAN DAHAB,lama oga kiiskaana uu sidaas ku dhamaan doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip