Wararkii ugu dambeeyey FASHIL mar kale ku yimid shirkii uu ku baaqay Farmaajo

0
Thursday March 04, 2021 - 20:41:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyey FASHIL mar kale ku yimid shirkii uu ku baaqay Farmaajo

    Waxaa markii saddexaad uu fashil ku yimid shirkii wada-tashiga ee uu dhowaan iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaaho oo Muqdisho ka casuumay madax goboleedyada. Shirkan oo lagu waday inuu furmo maanta oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa markii saddexaad uu fashil ku yimid shirkii wada-tashiga ee uu dhowaan iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaaho oo Muqdisho ka casuumay madax goboleedyada. Shirkan oo lagu waday inuu furmo maanta oo Khamiis ah, kuna beegan afarta bisha March ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kadib markii madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland ay dalbadeen in waqti la siiyo shirka ra'iisul wasaaraha iyo musharaxiinta. Sidoo kale waxaa dalka ka maqan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo haatan safar ku jooga gudaha wadanka Turkiga. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan fashilka ku yimid shirka golaha wada-tashiga qaranka oo qurshuhu ahaa in looga hadlo doorashada. Arrintan ayaa sii xoojineysa is jiid-jiidka weli ka jira doorashooyinka dalka ee 2021-ka ee u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, siiba Jubbaland & Puntland. Si kastaba waa markii saddexaad ee uu baaqanayo shirkan, kadib wixii ka dambeeyey 8 February, oo ay dhamaatay mudo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip