Guddiga abaabulka Banaanbaxa Muqdisho oo shaaciyay goobaha Banaanbaxayaasha isugu imaanayaan

0
Thursday March 04, 2021 - 20:39:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga abaabulka Banaanbaxa Muqdisho oo shaaciyay goobaha Banaanbaxayaasha isugu imaanayaan

    Guddiga qaabilsan abaabulka Banaanbaxa Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa shaaciyay goobaha aay isugu imaan doonaan Banaanbaxayaasha. Kulanka Guddiga waxaa go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga qaabilsan abaabulka Banaanbaxa Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa shaaciyay goobaha aay isugu imaan doonaan Banaanbaxayaasha. Kulanka Guddiga waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro hore, Xildhibaano, iyo waliba Wakiilo ka socday Midowga Musharaxiinta iyo kooxo kale oo ka socday Xisbiyada oo qeyb ka ahaa abaabulka Banaanbaxa lagu waddo maalinta Sabtiga ah inuu ka dhaco magaalada Muqdisho. Banaanbaxayaasha ayaa la faray iney isugu yimaadaan maalinta Sabtiga ah isgoysyada kala ah, Fagax, Siinaay, Mirinaayo, KM4, iyo Isgooyska Soobe. Guddiga ayaa sheegay in dadka isgooysyadaas aay isugu yimaadan kadibna aay tagi doonaan Daljirka Daahsoon oo ah goobta aay isugu tagi doonaan dhamaan Banaanbaxayaasha. Guddiga Banaanbaxa ayaa sheegay in banaanbaxa uu yahay mid nabadeed ammaankiisana aay masuul ka tahay dowladda Soomaaliya, Midowga Musharaxiintana aay lee yihiin dhigista Banaanbaxa. Waxay sidoo kale guddiga sheegeen inay u diyaarsan yihiin agabkii loogu talo galay la tacaalista Cudurka COVID-19.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip