HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 4 MAR 2021

0
Thursday March 04, 2021 - 10:30:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 4 MAR 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farmaajo oo kulan deg deg ah ku qabtay Villa Somalia, fariinna u diray shacabka

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Ma xamed C/hi Farmaajo ayaa Shalayta kulan gaar ah la qaatay guddiga Qaran ee xakameynta cud urka COVID-19 iyo xubno ka socday bulshada rayidka, waxuuna ka dhageystay warbixino ku saabsan saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee soo laba kaclaynta cudurkan, sida lagu shaaciy ey qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Wasiirka Caafimaadka xukumadda xil-gaarsi inta Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Madaxweynaha u soo bandhigt ay warbixin muujinaysa kororka ti rada muwaadiniinta Somaliyeed ee uu soo ritay cudurkan iyo tiro kale oo badan oo dhimasho ah.

Wasiir Fowziya ayaa bulshada ku adkeysay inay taxadir buuxa iyo garowshiyo u yeeshaan halista cudurkan oo ku soo laba kacleeyey dal ka. "Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka Xukuumaddu ay ku xaqiijineyso ilaalinta badqab ka caafimaad ee shacabka, waxa uuna xusay in la qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo dadka iyo dalka lagaga xakameynayo Cudurka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka dowladdu ay ka ga hortageyso faafidda cudurkan, sidaas darte ed waxa waajib ah inaan u istaagno wacyigelin ta bulshada, una hoggaansanno farriimaha caa fimaad iyo qorsheyaasha lagaga hortageyo.”

Ugu dambeytii Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirrigeliyey qorsheyaasha Caafimaad, dhaq aale iyo amni ee ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19,waxuuna gan acsatada Soomaaliyeed kula dardaarmay inay dadkooda u turaan wakhtigan adag.

24-kii saac ee u dambaysay waxaa dalka la ga diiwaan geliyey 209-kiis oo Coronavirus ah, kuwaas 181 ka mid ah ay ku noolyihiin gobolka Banaadir, halka 28-ka kale laga diiwaan geliyey Somaliland.

Sidoo kale 11 qof ayaa u geeriyootay cudur kaas 24-kii saac ee u dambeysay, halka 21 qof oo kale ay ka soo bogsadeen, sida lagu shaaci yey qoraal Shalay ka soo baxay wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka..

Xasan Sheekh oo sheegay 2 arriin oo Farm aajo ‘uusan xaq lahayn inuu sii wado’

Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Max amuud oo ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaa day madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/hi Maxamed (Far maajo). Xasan Sh.ayaa shaac ay in madaxweynaha uusan no qon karin xil-gaarsiiye, sida xu kuumadda oo kale, wuxuuna til maamay inuu ka dhammaaday waqtiga xil-heynta.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan xaq u laheyn inuu sii wado howlaha amniga iyo doorashooyinka, maadaama uu isaguna yahay musharrax. "Madaxweynaha waqtiga waxa uu ka dhammaaday marka uu ku dhawaaqay in uu yahay murashax, meel aan ku iri ma jirto iyo waxbaa laga sheeeg-sheega balse waad taqa aniin oo hadda kahor waan sheegay sida ruuxa anta ayuu dadka uga dhex hadlaa Madaxweyna hu, xaqna uma lahan in uu sii wado howlaha Amniga iyo Doorashada,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Soo maaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu dhacayo dibad-baxa abaabulayaan musharraxi inta, islamarkaana uu qabsoomayo Sabtida.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay DFS inay carqaladeydos dibad-baxaasi, si loo baaj iyo ama loo fashiliyo.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo ra’ii sul wasaaraha iyo mucaaradka ay maalin ka ho re heshiis ka gaareen arrinta dibad-baxa, kadib wada-hadallo ka dhacay Hotel Decale.

DF oo laba shuruud ku xirtay dibad-baxa mucaaradka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo sa artay dibad-baxa mucaaradka ee la qor she ynayo inuu Sabtida ka dhaco magaalada Muq idisho.Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cism aan Abuukar Dubbe oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dibad-baxa la gu heshiiyey uu dhacayo, balse lagu xiray labo shuruud oo kala ah in dad ka dibadbaxa imaanaya ay kala foga adaan iyo inay soo qaataan af-xirka, si looga hortago faafista cudurka faafa ee Cor onavirus oo mar labaad soo laba-kacleeyey.

"Dibadbaxa lasoo codsaday oo ah kii laga heshiiyay xaley…labo shurudood oo kaliya ah ayaa ku xiran oo qabanqaabiyeyaashii dibadba xu ay horey u sheegeen labadaa qodob inay di yaar u yihiin waa marka koowaad ee in dadka di badbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan afsaar labadaa shurudood ayaa muhiim ah, labadaa shurudood marka la fuliya dibadbaxa Sabtida waa la ogolaaday,” ayuu yiri wasiir Cismaan Abuukar Duube.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhi im tahay in la dhaqan-geliyo awaamiirta dowla dda ee lagu xakameynayo cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo xuk uumadda Soomaaliya & Midowga Musharraxiin ta ay heshiis ka gaareen arrinta dibad-baxa, ka dib wada-hadallo ka dhacay hoteelka Decale.

Si kastaba dibad-baxan oo looga soo ho rjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo uu dalku ku jiro xaalad adag oo kala guur ah.

Villa Soomaaliya” Baaqa madaxweyne Far maajo carqalad kuma ah wada hadallada Xuk uumadda iyo Mucaaradka

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay eedeyn ka timid xubnaha mucaaradka gaar ahaan Midowga Musharixiinta oo sheegay in shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo uu carqalad ku yahay wada hadalla da Ra’iisal Wasaaraha iyo mucaar adka. Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Xaanshi ayaa sheegay in shirka uu mad axweynuhu ku baaqay qeyb ka yahay dhameys tirka hannaanka doorasho ee dalka, iyadoo laga anbaqaadayo heshiiskii Baydhabo ay ku gaareen guddiyadii kala matalayay DFS.

Wuxuu sheegay in shirkaasi uusan marnaba carqalad ku aheyn dadaallada R/Wasaaraha oo awood u leh ayuu yiri in uu cid walba kala far iisto sidii looga heshiis lahaa muwaadiicda wa aweyn ee leysku hayo.

”In shirka uu ku baaqay madaxweynaha uu Muqdisho ka furmo marnaba caqabad kuma aha dadaallada dhinaca kale ee socda ee Xuk uumadda waddo, balse waxaa la oran karaa waa fursad lagu wada wajihi karo hanaanka do orashada,” ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay ay rajo wanaagsan ka qa baan in shirkaasi uu dhaco, madaama ayuu yiri madaxweynuhu tanaasulaad weyn uu ka sa meeyay arrimihii ugu waaweynaa ee leysku hay ay” Mar haddii madaxweynuhu tanaasul xoog leh sameeyey, si loo qanciyo walaalaha kale, waxaan aad ugu raja weynahay in shirka 4-ta bishan ay ka soo qeyb geli doonaan madaxda maamul goboleedyada,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday.

Hadalka afhayeenka ayaa imanaya xili uu shaki weyn ka jiro qabsoomida shirka uu mada xweyne Farmaajo ku baaqay, madaama labada madaxweyne dowlad gobolleed Puntland iyo Ju bbaland sheegeen in wali aysan ku qanacsan eyn hannaanka uu wax u maamulayo madaxwe yne Farmaajo.

Ururka warbaahinta Puntland oo sharci darro ku tilmaamay xukun Shalay lagu riday weri ye horay u xirnaa

Ururka warbaahinta Puntland ee MAP, ayaa cambaareeyay xukun saddex bilood ah oo ma xkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ay Shalay ku riday Saxafi Kilwe Aadan Faarax, oo horay labo bilood maxkamad la’aan xirnaa.

Ururka MAP wuxuu sharci darro weyn iyo ku tu masho dastuur ku tilmaamtay in weriyaha oo aan lagu helin wax dambi ah in lagu rido xukun sharci darro ah oo ka hor imaanaya qodobka 87-aad ee dastuurka Puntland.

"MAP waxay ku tilmaamaysaa xuk unka Kilwe mid sharci darro ah oo ay riday maxkamad aan ikhtisaas u lahayn, waxaana marnaba aan la qaadan karin in saxafiga loo ekaysi iyo cid kale,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay MAP.

Masuuliyiinta ururka warbaahinta waxay she egeen in Puntland ay ka sugayaan inay jawaab waafi ah ka bixiyaan xukunka sharci darrada ah, sidoo kale waxay sheegeen in maxkamada ciid amada looga baahan inay iska ilaaliyaan dac wadaha ay galayaan iyo go’aanada ka dhalana ya.

MAP waxay caddaysay tallaabooyinka nuuca an oo kale ah in ay dhibaato ku yihiin dimoqr aadiyada la filayo inay ka hanaqaado Puntland, taasoo si adag u difaacaysa xorriyada saxaafad da iyo madax bannaanideeda.

Xukunka saddexda bil ee Shalay lagu riday weriyaha ayaa kasoo billaabanaya maalintii la xiray oo ahayd bishii december dabayaaqadeed ii, waxayna ka dhigan tahay in dhowr cishe ka dib uu xorriyadiisa helidoono.


Xog: Internet-ka oo laga jaray afar gobol oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya

Muddo ku dhow 7baad waxaa uu qadka Int ernet-ka ka maqanyahay guud ahaan degaan ada maamulka K/Galbeed iyo G/Gedo oo dham aantood ku yaalla K/ Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay jar een guud ahaan Internet-ka goballadaas lamana oga sab abta keentay in amarkaas ay soo saaraan Al-Shabaab.

Xubno ka mid ah maamullada gobalada iyo degmooyinka ayaa Caasimada Online u shee gay in guud ahaan qadka ka maqanyahay isla markaana ay Al-Shabaab jareen iyagoo amar dul dhigay shirkadaha bixiya Internet-ka ee go baladaas.

Al-Shabaab ma aysan faah faahin sababta ay u soo saareen amarkaan, sidoo kale maamu llada shirkadaha ma aysan bixin faah-faahin ku aadan waxa ay isku haayaan iyaga iyo Al-Shabaab.

Waqti adag ayey oo ay abaaro xoog leh ka jir aan aagaas ayey Al-Shabaab qadka gooyeen waxa uuna saameyn weyn ku yeeshay guud ah aan degaanada maamuladaas.

Xiriiro aan la sameynay shirkadaha Isgaarsiinta ee bixiya Internet-ka ayaa sheegay in adeegy ada kale ay fiicanyihiin sida wicitaanka mobilka iyo adeegyada kale ee lacagaha la isugu diro. Beelweynta Xawaadle oo magaalada Bal edw eyne kaga dhawaaqday Ugaaska Cusub ee Beeshaas

Ka dib kulan ballaaran oo aay Shalay ku yee sheen magaalada Baledweyne qeybaha kala du wan ee Beelweynta Xawaadle ayaa la iskula me el dhigay in Ugaaska Cusub ee Beelaha Xawa adle uu noqdo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Uga as khaliif.

Kulanka Beelweynta Xawaadle oo ka dhacay gudaha M/Baledweyne waxaa masuuli yiintii ka soo qeyb gashay ka mid ahaa Wasiirka arrima ha gudaha XFS Jen.Muqtaar Xuseen Afrax, gud doomiyaha G/Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Xildh ibaano Odayaal iyo Waxgarad aqoonyahano, dhalinyaro, Culuma'udiin ka tirsan Beelaha Xaw aadle.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ay aa loo gartay inuu noqdo Ugaaska Beelaha Xaw aadle, waxaana la shaaciyay in la Caleema sa ari doono afar bil 10 cisho kadib.

Dhamaan Nabadoonadii iyo Waxgaradkii ka hadlay kulanka waxay sheegeen iney la shaq eyn doonaan Ugaaska Cusub ee Beelweynta Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Ku dhawaaqista Ugaaska Cusub ee Beelaha Xawaadle ayaa imaaneysa xili Ugaaskii Beela ha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu 23-kii bishii lasoo dhaafay ku geeriyooday M/Muqdi sho ee Caasimadda Soomaaliya.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo 1,500 oo haamo Oksajiin ah ku wareejisay Isbitaalka Martiini

Hormuud Salaam Foundation donates 1,500 oxygen tanks to Martini Hos pital Iyadoo ay sii koror tay xaalada caafimaad daro ee ka dhalatay xanuunka Covid-19 oo ay dad badan u geeriyoodeen labadii todobaad ee lasoo dha afay islamarkaana wasaarada caafimaadka ay shaacisay inuu sii faafayo cudurka, isla markaa na ay jirto Oksajiin la’aan ba ahsanna ayay Shalay hay ’adda Hormuud Salaam Foun dation waxa ay wasaarada caafimaadka DFS ku wareejisay 1,500 (kun iyo shan boqol) oo haamood oo Oksajiin kuwaas oo loogu talagalay in lagula tacaalo bukaanada uu soo ritay cudur karoon virus.

Munaasabadan ay hay’adda HSF oksajiinka ku warejineysay ayaa waxaa kaoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan HSF ,Wasaarada Caa fimaadka iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Cali sheikh yaasiin oo ku hadlayay magaca hay’a dda HSF waxa uuna faah faahin ka bixiyey oksa jiinka ay Shalay ugu deeqeen dadka soomaali yeed ee la xanuunsanayo xanuunka Karoona Virus asagoo sheegay in Hay’adda Hormuud Salaam bank Foundation ay markasta ka go’an tahay garab istaaga umada soomaaliyeeed .

Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay Wa siirka Caafimaadka DFS Dr .fowsiya Abiikar Nu ur waxayna uga mahad celisay maamulka hay’ adda Hormuud Salaam Bank Foundation sida joogtada ah ay u garab taaganyihiin shacabka soomaaliyeed gaar ahaan marka ay timaada xiliyadan oo kale xaaladaha adag ee uu dalka ku soo laba kacleeyay Covid-19.

Waa markii labaad mudo 10 maalmood gud uhood ah oo ay maamulka hay’adda Hormuud Salaam bank Foundation Oksajiin ugu deeqaan shacabka soomaaliyeed ee uu hayo xanuunka Covid 19 .

Deeqdan oksajiinka ka ah ee gaaraysa 1, 500 oo haamood ee Shalay lagu wareejiyey wa saarada Caafimaadka ayaa ku soo aadaysa xili wasiirka caafimaadka maalinimadii Dorraad aha yd ay sheegtay in Oksajiinka uu aad ugu yar ya hay isbitalada lagula tacaalayo dadka qaba covid 19.

Hay’adda Hormuud Salaam Bank Founda tion ayaa tan iyo markii uu dalka soo galay CO VID-19 ilaa iyo hada door muuqda ka qaadanay say wacyi galinta, ka hortaga iyo la dagaalanka Cudurka. shirkada hormud salaama oo deeq ga arsiisay isbtiaalka martini

Duqeymo lagu diley Amiiro iyo Dad shacab ah oo ka dhacay Jubbada Dhexe

Duqeynta ayaa ka dhacdey degmada Jilib se qdii dhexe ee xaley waxaana lagu soo war amayaa in uu jiro khasaaro badan

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsadey horjoogayaal sare oo katirsan kooxda Alshabaab.

Amiir magaciisa lagu soo koobey Abuu Nucma an una dhashey dalka Yaman iyo 4 amiir oo soo maali ah ayaa lasheegey in uu ku geeriyoodey duqeynta sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil katir san laamaha amaanka Soomaaliya oo magacooda qariyey.

Dhica kale goob joogayaal kusugan degma da Jilib ayaa xaqiijiyey in uu jiro khaaso soo ga arey dad shacab ah kuwaas oo haleeley gantaa lada ay ridayeen diyaaradaha howl galka kuj irey. Ilaa iyo 7 qoys ayaa lasheegey in ay waxye elo dhimasho iyo mid dhaawacba kasoo gaartey kadib markii gantaalo guryahooda kula dhec een. Ma ahan markii ugu horeysey ee waxyeelo kasoo dadka shacabka ah howl galada ka dha ca goobaha ay joogaan kooxda alshabaab ma na jirto cil laguala xisaabtamo.

Wasaaradda caafimaadka oo shaacisay in ka badan 200 kiis oo Covid-19 ah iyo dhimashada 11 qof

Tirada kiisaska cudurka Covid-19 iyo dadka u geeriyoonaya gudaha Soomaaliya ayaa sii ko rdhaysa maalinba maalinta kasii dambeysa, ha ba ugu badnaadeen M/Muqdisho ee caasimad da Soomaaliya.

24-saac ee lasoo dhaafay, wasaaradda caa fimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteeda ma alin laha waxay ku diiwaan galisay 209 kiis iyo dhimashada 11 qof oo hor leh.

181 kiis oo kamid ah kiisaskaan ayaa laga helay magaalada Muqdisho oo hadda laga dha qan galinayo awaamiir culus oo lagu xakamayn ayo faafitaanka cudurka Covid-19, oo xaalad diisu ay haatan meel adag ay marayso.

Wasaaradda caafimaadka waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay in ay 21 qof ka bog sadeen cudurka.

Waxaa laga cabsi ka qabaa in uu dalka soo gaaray nuuca cusub ee Coronavirus, waxayan dowladdu ka war sugaysaa baaritaanno dibad da loo diray oo dhawaan la helidoono.

Inkastoo cudurka si aad ah u faafayo haddana weli dadka Soomaaliyeed si dhab ah uguma baraarugsana halista cudurka iyo sida dadku ugu geeriyoonayaan maalin kasta.

Akhriso:- Bankiga dhexe ee dalka oo amar ka soo saaray Lacagta $50 dollar oo laga diiday Muqdisho

Bankiga dhexe ee dalka ayaa war ka soo saaray isticmaalka $50 dollar oo maalmihii la soo dhaafay ay diidanaayeen Bankiyada,Xawaaladaha iyo goobaha sariflayaasha.

Qoraal ka soo baxay Bankiga dhexe ayaa lagu faray Bankiyada gaarka loo leeyahay iyo xawaaladaha in ay qaataan oo ay socodsiiyaan $50 dollar,kadib markii maalmihii la soo dhaafay la baahiyay war ku saabsan Lacag $50 dollar oo been abuur ah.

Bankiga ayaa tilmaamay in marxalad adag lagu jiro,islamarkaana ay waajib tahay in laga fakaro nolosha dadka.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka Bankiga dhexe

HESHIISKA 17-KII SEPTEMBER OO WAJAH AYA SADDEX CAQABAD

Heshiiska 17-kii September 2020 dhexmaray DFS & Dowladaha xubnaha ka ah waa udub dhexaadka heshiis doorasho loo dhan yahay oo dalka ka hirgala sidey ku celceliye en Beesha caalam ka, balse waxaa ji ra caqabado bad an oo ku xeeran heshiiskaas lagu gaaray maga alada Muqdisho.

Caqabadaha shirkaas kasoo laabtay waa ku wa diiday in la hirgaliyo hanaan doorasho iyo in si hanaan hufan ah looga gudbo marxaladda ka la guurka ah ee dalka uu ku sugan yahay, in he shiis laga gaaro xaaladaha cakiran ee dalka aya ana hadda maraya heer ay Beesha caalamka ku qasbanaatay si muuqata iney usoo faragaliso hawlaha la isugu keenayo dadka ku kala aragti da duwan hab-sami u socodka marxaladaan.

Shan caqabadood ayaa la aaminsan yahay iney ku xeeran yahiin hirgalinta heshiiska 17-kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho, saddex ka mid ah waa kuwa soo jiitamayay hal ka laba qodob ay timid kadib dhamaadka mud do xileedka xukuumadda iyo dhaqanka bilahii ugu dambeeyay.

KURAASTA SOMALILAND:

Dowladda muddo xileedka dhamaaday ayaa soo faragalisay arrinta kuraasta gobollada Wa qooyi (Somaliland), sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay aana lagu eedeeyaa inuusan ku xushmeyn Ca bdi Xaashi oo ah gudoomiyaha aqalka sare, isla markaana ah qofka ugu sarreeya ee xildhibaa nada kasoo jeeda gobollada waqooyi inuu u da ayo soo xulista, waxaana ka dhashay dood aan ilaa iyo hadda lagu heshiin iyadoo Villa Soomaa liya ay arinkaan u wakiilatay Mahdi Guuleed oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda xil heynta.

GOBOLKA GEDO:

Maadaama heshiiska doorashada ee 17-kii September la gaaray ay aheyd in laba meelood maamul walba uu doorashada ku qabto, Gedo-na ay ka mid noqoneyso goobaha laga rabo in Jubbaland ay doorashada ku qabato, halkaas waxaa kasoo laabtay dood badan maadaama ay dowladda muddo xileedkeeda dhamaaday cii damo ku daabushay gobolka Gedo. Heshiisyo badan oo laga gaari lahaa arrimaha doorashoo yinka waxey u burbureen arrinta gobolka Gedo iyadoo maamulka Jubbaland ay doonayaan iney maamulaan sida ay maamullada kale u maamuli doonaan goobaha doorashooyinka.

Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa isku ha ya, iyadoo guddigii farsamada ee Baydhaba ku shiray la sheegay in arintaas is faham ay ka ga areen, balse waa caqabadda ugu weyn ee ku xeeran doorashooyinka.

GUDDIGA DOORASHADA:

Guddiga doorashada oo ay dowladdu maga cowday waa lagu muransan yahay, waxaana la sheegay iney ku jiraan xubno daacad u ah tal iska FARMAAJO, taliyayaal ka tirsan hay’adda nabadsugidda qaranka iyo shaqaale ka tirsan xukuumada uu wakhtigeeda dhamaaday. Midow ga musharaxiinta iyo laba ka mid ah maamull ada Federaalka ayaa ka hor yimid kuwaas oo wali saluugsan habka loo xulay guddigaas, wax aana shaki la galiyay sida ay u qaban karaan doorasho loo siman yahay.

 

Dhanka kale waxaa jira laba qodob oo yimid kadib 8-dii February 2021, markii uu dhamaa day muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Maadaama uu muddo xileedka ka dhamaad ay madaxweynaha Soomaaliya, ma gaari karo go’aanno masiiri ah, taasna waxey la macno tah ay in saamileyda siyaasadda ay ku biirto miiska wadahadalka.

Baarlamaanka wuxuu muddo xileedkiisa dha maaday 27-kii December, sidaas darteed gola ha sharci dajinta wey sii joogayaan ilaa kuwii ba dali lahaa yimaado, balse madaxweynaha xaq uma lahan inuu kursiga kusii fadhiyo.

Sidoo kale qodobka ugu dameeya wuxuu ya hay iney luntay kalsoonidii lagu qabay dowladda maadaama lagu tuhunsan yahay in taliska jooga ay doonayaan muddo kororsi ama in xoog lagu maamulo wadanka, waxaana jirta in ciidamo loo adeegsaday dibad bax nabadeed oo la diiday, sidoo kalana siyaasiyiin, xildhibaano iyo mushar axiin lagu rasaaseeyay caasimdda.

Xigasho: caasimadda.net

Al-shabaab oo goob fagaaro ah ku toog atay shan ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen CIAda Mareykanka

Wararka ka imanaya degmada Jilib ee G/Jub adda Dhexe ayaa sheegaya in xoogagga Urur ka Al-shabaab goob fagaaro ah ku toogteen 5 Ruux oo ay ku eedeeyeen in ay xiriir wada shaq eyn ah la lahaayeen CIAda Mareykanka.

Fagaaraha toogashada lagu fuliyay ayaa waxaa isugu yimid dadweyne faro badan oo ay Al-shabaab ay ugu baaqeen in ay u soo daa washo tagaan fulinta toogashada, mana aha ma rkii ugu horeysay oo sidan oo kale ay sameya an Al-shabaab. Ragga ay toogashada ku fuliy een ayaa magacyadooda lagu kala sheegay ''Abuukar Xasan Maxamed oo ay Al-Shabaab sheegeen inuu qirtay inuu wada-shaqeyn la la haa hay’adda CIA-da Mareykanka, Xasan Maxa muud Maxamed (Xasan dheere ) oo ay ku eed eeyeen in uu la Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka, Mahad Cabduqaadir Aadan oo loo yaqaanay Mahad Qaadoole ayay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu Shaqeynayay hay’adda CIA -da Mareykanka.. Axmed Cabdi Cabdullaahi Sal maan oo ay Shabaab sheegeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka, Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa hay’ada CIA-da Mreykanka.

Horay sidan oo kale Al-shabaab ayaa qeybo badan oo ka mid ah dalka ku fuliyay dilal nooc an oo kale dad ay ku eedeeyeen in ay yihiin jaw aasiis u basaasa hay'addo shisheeye iyo DS, la akiin marnaba ma soo bandhigaan caadeymo arrimahaa muujinaya ama qiraada dadka ay too gashada ku fuliyaan

XOG:- Saraakiil u xirnaa dilkii guddoom iyihii Hodon oo qaarkood la sii daayay iyo kuwa loo gudbiyay Xabsiga Dhexe

Allaha u naxariiste gudoomiyihii degmada Hodon Cabdixakiim Dhagajuun waxaa 21, Ja nuary ee Sanadkaan lagu dilay magaalada Muqdisho,kadib markii Rasas lagu furay Gaari uu la socday. Ciidamo ka tirsan kuwa Boliiska ayaa Rasaaseeyay guddoomiyaha xilli uu ma rayay inta u dhaxeysa Isgoysyada Howlwadaag iyo Isgoyska Jidka Aadan Cadde abaarihii 2:00-dii iyo daqiiqado,isaga oo sidaasi ku geer iyo oday.C/xakiim Dhegajuun ayaa Saacado ka hor dilkiisa ka soo labtay Safar dalka dibaddiisa ah oo uu Billo ku maqnaa,kadib markii uu ku dha awacmay qarax Miino oo lala beegsaday Gaari giisa,iyada oo xilligaasna dhimasho iyo dhaaw ac ay ka soo gaartay qaar ka mid ah Ilaala di isa. Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarad da amniga ayaa ka hadlay dilka Allaha u naxari iste guddoomiye C/xakiim Dhega-juun,waxaana xilligaas ay sheegeen in ay Gacanta ku dhigeen Ciidamadii iyo Taliyaashii Saldhigyada degmoo yinka Hoowl-wadaa iyo Waabari oo lagu tuhun sanaa ku lug lahaashaha falkaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxk amadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay sii deysay Taliyihii saldhigga Booliska degma da Waaberi iyo 2-ka mdi ah Askartiisa, iyadoo xabsi dhexe ee Xamar loo gudbiyay taliyihii sal dhigga Booliska degmada Howlwadaag oo lagu magacabo Shuceyb iyo qaar ka mid ah Ilaala diisa. Si kastaba ha’ahaate dowladda ayaa dh owr jeer sheegtay in baaritaan lagu sameynayo weeraro lagu dilay Mas’uuliyiin uu uu ku jiray gu ddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho Eng.Yariisow oo Xafiiskiisa lagu dilay iyo guddoomiyihii Hodon oo isna fal u eg shir qool lagu kharijiyay,baaritaanadaasna ma jirin wax natiijo ah oo ka soo baxay.

Ilhaan Cumar '' Waa in la ciqaabaa dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman

Iyadoo dhawaan warbixin ka soo baxday Sir doonka Mareykanka lagu sheegay in dhaxal su gaha Amiirka dalka Boqortooyada Sacuudiga uu lahaa saxiixa dilka wariyihiin weynaa ee Jamaal Khaashuqi, ayaa dhinaca kale waxaa soo bax aya cambaareynta arintaa la xiriirta ee ka dhan ka ah Amiirka.

Ilhaan Cumar oo ah mudane ka tirs an Aqalka Congress -ka Mareykan ka ayaa dalbatay Aqalka hoose in uu cuna-qabateyn saaro Dhaxal-sugaha Sacu udiga Maxamed Bin Salman.

Ilhan ayaa sheegtay, in ay Maxamed Bin Salm an lagu ciqaabo, doorki uu ku lahaa dilki qunsuli yadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay, wa riye Jamal Khashoggi, sannadki 2018-kii.

Ilhaan ayaa tiri "Tani waa tijaabada bani’aad ann imadeenna. Haddii Mareykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimoqraadiy adda iyo xuquuqda aadanajha, ma jirto sabab aanan cuna-qabateyn loo saarin Mohammed bin Salman oo ah ninka ay sirdoon-keenna xaqi ijiyeen inuu dilay Jamal Kashoggi oo ahaa sax afi degannaa Mareykanka” Wash ington ayaa to dobaadki hore cuna-qabateyn saartay in ka badan 60 muwaadin oo Sacuudi ah, balse kuma

jirin Maxamed Bin Salamn.


DUGSI SARE OO KU YAALA CANADA OO HODAN NAALEEYE LOOGU MAGAC-DARAY

Guddiga Waxbarashada ee Degmada York ee Gobolka Ontario ee Wadanka Canada ayaa habeenkii Talaadada ee 2-dii bishan u co deeyay in Dugsiga Sare ee Vaughan (Vaughan Secondary School) loogu magac-daro Hodan Axmed Siciid Na aleeye. Hodan Naaleeye oo ah ayd Saxafiyad Soomaaliyeed, balse haysatay dhalashada dalkaasi Canada ayaa 12-kii bishii July ee sanadkii 2019 lagu dilay weerar abaa bulan oo ismiidaamin ku bilowday, laguna qaa day Hotel Cascasey ee Magaalada Kismaayo. Maalin ka dib weerarkaasi sida uu sheegay Ma daxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Isl aam (Axmed Madoobe) waxaa weerarka lagu di lay 26 qof, halka 50 kalena ay ku dhaawacm een.

Toban ka mid ah laba iyo tobanka xubnood ee uu ka kooban yahay Guddiga Iskuulada ee Degmada York ayaa u codeeyay in iskuulkaasi loogu magac-daro Hodan Naaleeye.

Guddiga Waxbarashada ayaa geba-gabadii codeyntaasi sheegay in magaca Hodan Naalee ye uu yahay kan ay doorteen dadka deegaanka. Hodan ayaana ku noolleed xaafadda uu isk uulkaasi ku yaalo.

Tallaabada magaca looga bedelay iskuulkan ayaa yimid, ka dib markii ururada dadka mado wga u dooda ay sheegeen in ninkii horey loogu magac-daray iskuulkaasi uu ahaa nin cunsuriya, dadkana adoonsan jiray. Sidoo kale Soomaalida degan dalkaasi ayaa muddooyinkan u ololeyna ya in magaca laga bedelo iskuulka.

Dhanka kale qoyska Hodan Naaleeye ayaa soo dhaweeyay in Dugsiga Vaughan loogu ma gac-daro (Hodan Nalayeh High School).

Axmed Siciid Naaleeye oo ah aabaha dhalay Hodan Naaleeye ayaa arrinta ku tilmaamay tall aabo wanaagsan, isla-markaana ay gabadhiisa mudan tahay in iskuulkaasi loogu magac-daro.

Sahra Axmed Siciid Naaleeye oo la dhalatay Hodan ayaa sheegtay in arrintani ay farxad gel isay Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, oo qoys koodu ugu horeeyo.

Warbaahinta dunida ayaa hadalhaysa Dugs iga Sare ee loogu magac-daray Allaha u nax ariistee Hodan Naaleeye.

UK oo dhimaysa maalgalinta ay siiso hay’ad daha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya

Hay'adaha gargaarka ee UK ayaa lagu qa sbay inay joojiiyaan adeegga rugaha caafim aadka ee Soomaaliya, kuwaas oo caawiya 2,000 oo haween iyo caruur ah bish iiba. Sida uu daabacay wargeyska the Guardian, tallaabadan ayaa ka da mbeysa ka dib markii miisa aniyadda maalgelinta ay hoos uga dhacday 0.7% dak hliga guud ee UK.

Hay’addaha waxa looga digay inay la kulmi karaan dhimis ilaa 40% oo ah maalgalintooda UK.Agaasimaha Bariga Afrika ee hay’adda Action Against Hunger, Haajir Maalim, ayaa sha aciyay in lagu war galiyay in aysan sameynin wax balan qaadyo maaliyadeed ah. "Waxaan wajaheynaa halista kale ee cunno yaraan iyo fiditaanka Covid-19. Qorsheheena wuxuu u egyahay 40% dhimis, taasna waxay ka dhigan tahay in la xirayo rugaha caafimaadka ee Muqd isho.” ayuu yiri Haajir Maalim.

Boqortooyada Midowday (UK) waa dalka lab aad ee gargaarka ugu badan siiya Soomaaliya, wuxuuna sanadiihii 2019-20 bixiyay £ 147m.

UK ayaa sidoo kale ku dhawaaqday Isniintii in ay jareyso barnaamijka gargaarka ee Yemen in ka badan 50%, inkasta oo Qaramada Midoobay ay ka digtay macaluul soo fool leh.

Qiyaasta dhimista barnaamij noocaan oo kale ah ayaa argagax gelisay mudanayaasha baarla maanka, inkasta oo Boqortooyada Midowday ay wali tahay wadanka shanaad ee deeq bixiyaya asha Yemen.

Hoobiyeyaal lagu weeraray Saldhig ciid anka Mareykanku ku leeyihiin…

Ugu yaraan 10 Hoobiye ayaa waxaa Sha lay lagu duqeeyey Saldhiga Milliteriga ee Cayn Al-asad oo ku yaalla dalka Iraq. Saldhigaasi waxa uu Hoy u yahay Ciiddanka Maraykanka iyo ku wa Isbahaysigooda ee taageerada ka geysta La -dagaalanka Kooxda Daacish (ISIS).

Afhayeenka Hawlgalladda Caalamiga ee Isb ahaysiga La-dagaalanka Daacish, Colonel Wa yne Marotto ayaa sheegay in 10 Hoobiye Roc ket salvos ay Shalayto oo Arbaco ah ku habs adeen Saldhigaasi, abaarihii 07:20 subaxnimo ee xilliga dalka Iraq.

Waxa uu intaasi ku daray n ay Ciiddanka Khaaska ee Iraq horkacayaan baaritaanka iyo ka-jawaabista Duqeyntaasi.

Sarkaal ka tirsan Taliska Hawlgalladda ee Baqdaad oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in Hoobiyayaasha la ga soo ganay meel 8-KM u jirta Saldhiga Cayn Al Asad (Ayn al Asad Army base) oo ku yaalla Gobalka Ambar ee Gabeedka dalkaasi.

Shabakadda Wararka Sabren News Website waxay qortay in loo maleynayo inay Duqeynta asi geysteen Kooxda Asa’ib Ahl Al-xaq ee ay Iir aan taageerto.

Kooxdu waxay sheegatay in Askarta Marayk anka ee ku dhaawacmay Duqeyntaasi laga daa d-gureeyey Saldhiga, inkastoo aysan jirin cadd aymo muujinaya wax khasaaro ah oo ka dha shay Duqeyntaasi.

Weerarka Hoobiyaha ee Shalayto lagu asq eysay Saldhiggaasi waa kii labaad ee laa be egsado tan iyo dhamaadka bishii Feberaayo ee sanadkii hore.

Bishii Feberaayo 16-dii, Weerar Hoobiye ay aa lala beegsaday Saldhig ay Ciiddanka Isba haysiga Maraykanka ku leeyihiin Waqooyiga da lka Iraq, iyadoo lag dilay qof Qandaraasle Rayid ahaa, laguna dhaawacay Askari Maraykan ah.

Sacuudi Carabiya oo ku xirtey dadka xajin aya sanadkan inay iska tallaalaan cudurka Covid 19

Wasaaradda caafimaadka ee Sacuudi Cara biya ayaa sheegtay in kaliya dadka laga tallaa lay COVID-19 loo oggolaan doono in ay ka qeyb galaan Xajka sannadkan, sida uu ku warramay wargeyska Sucuudiga ka soo baxa ee Okaz.

"Tallaalka COVID-19 waa mid khasab ku ah kuwa doonaya in ay yimaadaan Xajka waxayna noqon doontaa mid ka mid ah shuruudaha ugu waaweyn,” ayaa lagu yiri wareegto uu ku saxiixan yahay wasiirka caafim aadka Sacudi Carabiya oo soo baxday Isniintii aynu ka soo gudubnay.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2020, boq ortooyada ayaa si weyn hoos ugu dhigtay tirada xujaajta loo oggol yahay inay soo xaadiraan Xa jka illaa 1000 muwaaddin Sacuudi ah iyo dadka deggan boqortooyada ayaa xajiyay sanadkii hore.

Xajka oo ah waajibaad noloshiisa mar uun sa aran qof kasta oo muslim ah oo awood u leh ay aa ah isha ugu weyn ee dakhliga ka soo gala dawladda Sucuudiga.

Wasiirka Caafimaadka Sacuudi Carabiya Dr Tawfiq al-Rabiah ayaa sidoo kale sheegay in dowlada ay tahay inay u diyaar garowdo sugida awooda shaqaalaha looga baahan yahay inay ka howlgasho xarumaha caafimaadka ee Mecca iyo Madiina.

Xarumahan waxaa la dejin doonaa meelaha la ga soo galo xujeyda, ayuu yiri, marka lagu daro sameynta guddiga talaalka xujeyda gudaha Sacuudiga.

Cabsi ka taagan xarunta ay ku shiraan Baarl amaanka iyo Ciidamadii ugu badnaa oo la geeyay

Ammaanka xarunta baarlamaanka Maraykan ka ee loo yaqaan US Capitol ayaa aad loo adk eeyay, kadib markii la helayay warar sheegaya in Khamiista maanta ah "xoog lagu soo geli karo” si ay sheegeen booliska.

Tallaabadan ayaa ka dhalatay kadib markii ay sirdoonka ka war heleen hanjabaad ka timid urur hubaysan, sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska. Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan khatar kasta oo ka dhan ah xubnaha Congress-ka.

Golaha wakiiladda ee Maraykanka ayaa baaj iyay kulan uu maanta lahaa, kadib markii lagu wargeliyay khatarta jirta.

Hase yeeshee waxaa maanta kulankiisa qabs anaya Aqalka Senate-ka si uu uga doodo hin dise sharciyeed uu Madaxweyne Biden lacag dhan 1.9 trillion dollar wax uga qabanayo cudu rka Covid-19.

Muxuu booliska ka yiri khatarta?

Booliska ilaaliya xarunta US Capitol ayaa sheegay inay qeybaha kale ee laamaha am maanka kala shaqeynayaan si looga hortago khatar kasta oo ku timaada xaruntaas.

"Si dhab ah ayaan u qaadanayay xogta ku aa ddan khatartaas,” ayaa lagu sheegay warka boo liska.

"Faahfaahin dheeraad ah kama bixin karno xogta aan helnay, maadaama ay tahay mid aad xasaasi u ah,” ayuu sheegay booliska.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa laba bilood ka dib markii dad taageersan madaxweynihii ho re, Donald Trump, ay xoog ku galeen gudaha dhismaha.

Xilligaas, xubnaha la doortay ee labada gole ayaa ku guda jirin ansixinta natiijada doorasha dii uu ku guulaystay Madaxweyne Joe Biden Rabshadahaas oo gilgilay dimuqraadiyada Mar aykanka ayaa waxaa ku dhintay shan qof oo uu kamid yahay askari boolis ah.

General Odawaa oo abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab ka wada gobolka Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen eraal Odowa Yuusuf Ragge oo uu wehliyo Taliyaha AMISOM ayaa kormeeray xarunta AMISOM (sector four) oo xarun ku leh magaalada Bela dweyne ee gobolka Hiiraan.

Ujeedka Kormeerka ayaa ahayd xog-wareysi uu la yeeshay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Hiiraan iyo sidii loo dardar gelin lahaaa howlgallada lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga iyo cidamada AMISOM.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ciidamada xoogga ku booriyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolka, waxaana uu kula dar daarmay inay labo jibaaraan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, isagoo dhanka kale xarunta AMISOM kula kulmay ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Beladweyne.

Khilaafkii Turkiga iyo France: Wadahadal muuqaal ah oo dhex maray Erdogan iyo Macron

Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erd ogan ayaa u sheegay madaxweynaha Farans iiska, Emmanuel Macron in wadashaqeyn dhex marta labadooda waddan ay yeelan karto "sa ameyn aad u weyn" maadaama dalalkan ka wa da tirsan isbahaysiga NATO ay hadda isku dayayaan in ay dib u hagaajiyaan xiriirkooda xumaaday sanadkii lasoo dhaafay.

Bayaan uu madaxweyne Erdogan soo saaray Talaadadii ayuu ku shee gay in uu Mr Macron ku wacay muuqaal, ayna ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in la wanaajiyo xiriirkooda diblomaasiyadeed.

"Maadaa aan nahay labo dal oo awood leh, qeybna ka ah gaashaanbuurta NATO, waxaan wax weyn ku kordhin karnaa nabadda, xa siloonida iyo dadaallada nabadeed ee ka socda caalamka - laga billaabo Yurub ilaa Caucasus, Bariga Dhexe iyo Afrika," ayuu yidhi Erdogan.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in sanadka 2021-ka uu noqday mid ku asteysan heshiiska ay xuk uumadda Ankara ku oggolaatay in ay dib usoo nooleyso cilaaqaadka Turkiga iyo Faransiiska, isagoo intaasna ku daray in labada waddan ay hadda leeyihiin "wadashaqeyn dhab ah, rajo fiic anna leh".

Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay in Paris iyo Ankara ay si wadajir ah ula dagaallami kara an "argagixisada", taasoo uu sheegay in ay kha tar ku heyso shacabka labada waddanba.

"Waxaan ku rajo weyn nahay in Turkiga iyo Faransiiska ay si dhow isula eegi doonaan dhammaan arrimahan," ayuu yidhi.

Siduu ku dhammaaday Khilaaf shakhsi ahaane ed oo labada madaxweyne ka dhaxeeyay?

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii, Turkiga iyo Faransiiska ayaa marar badan hawada isu mariyay hadallo kulul oo ku saabsan arrimaha ka taagan caalamka, oo ay ku jiraan dagaallada Suuriya, Liibiya, Nagorno-Karabakh iyo xaalad da Bariga Badda Mediterrabiean-ka.

Laakiin labada dowladood ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in ay ka shaqeynayaan sidii ay dib caadi ugu soo celin lahaayeen xirii rkooda.

Bishii January, labada madaxweyne ayaa isw eydaarsaday warqado ay ku oggolaadeen in ay yeeshaan wadahadallo lagu soo celinayo xir iirkooda diblomaasiyadeed.

Erdogan ayaa markaas farriin ku saabsan sanadka cusub u qoray Macron, isagoo uga tac siyeeyay khasaarihii Faransiiska kasoo gaaray dhowr weerar oo laga geystay sanadkii lasoo dhaafay.

Macron ayaa isagana ugu soo jawaabay wa rqad "aad u habboon", isagoo sheegay inuu di yaar u yahay kulan uu la yeesho Erdogan, sida ay warbaahinta maxalliga ah kasoo xigteen Wa siirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlut Cav usoglu.

Jawaabtii kasoo baxday Macron ayaa horse dday in lasoo nooleeyo "wadatashiyadii labo dhinaclaha ahaa ee ay labada waddan ka lah aan jireen arrimaha argagixisada iyo xaaladaha gobolka sida dagaallada Suuriya, Liibiya iyo waliba iskaashiga dhinaca waxbarashada," sida ay sheegeen saraakiil Turki ah. Isku dhaca laba da nin ayaa xoogeystay sanadkii lasoo dhaafay ka dib markii bishii September uu Macron shirk ada hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub uga ha dlay muranka ka taagan Bariga badda Medite rranean-ka ee u dhaxeeya Turkiga iyo Giriigga, isagoo sheegay in "shacabka Turkiga ay u qalm aan wax kale", taasoo ka dhigneyd in uu la saftay Giriigga.

Ankara oo hadalkaas si weyn uga carootay ayaa Macron ku eedeysay in uu faraha lasoo ga lay arrimahooda gaarka ah ee qarannimo.

Bishii October, Macron ayaa sheegay in Isl aamku "uu ku jiro xasarad" marka la eego guud ahaan dunida, dunida Muslimka ayaana hadalk aas uga jawabatay caro weyn, iyadoo lagu baa qay in la joojiyo iibsashada badeeyooyinka Fara nsiiska.

Erdogan ayaa kusoo biiray baaqaas, wxuuna labo jeer oo kala duwan sheegay in Macron uu u baahan yahay in lagu sameeyo baahitaan dhi naca dhimirka ah. Hadalkaas ayaa sababay in dowladda Faransiiska ay Bishii October u yeer ato safiirkeeda u fadhiyay Turkiga, iyadoo era yada Erdogan ku tilShalayy "wax aan la aqbali karin".

Erdogan ayaa sidoo kale Macron ku eedee yay inuu kicinayay "Islaam nacayb" wuxuuna shacabka Faransiiska ka codsaday in ay "sida ugu dhakhsiyaha badan xilka uga qaadaan".

Xiisadda ku saabsan Faransiiska iyo Muslimi inta ayaa dhalatay markii dalkaas lagu bireeyay macallin ardaydiisa usoo bandhigay wax lagu sheegay in uu ahaa sawir laga sameeyay Nabi Muxammad, NNKH.

Salman Khan iyo Shahrukh Khan: Labadan jilaa oo isla sameyn doono filim cusub

Xiddigga Bollywood, Salman Khan, ayaa la xaqiijay inuu ka soo muuqan doono Filimka cus ub Shahrukh Khan uu ku mashquulsan yahay ee Pathan, kaas oo laga yaabo in uu ku same eyo ficillo halis ah oo horay uu ugu dhiirraday jil aaga Mareykanka ah ee lagu magacaabo Tom Cruise.Salman Khan ayaa horay u ballan qaaday inuu gabi ahaanba filimada uusan ka soo muuqan doonin inta uu fayraska corona socdo.

Waxay u muuqataa in Khan uu qorshe yaal waweyn u daj iyay filimkiisa, si uu u xaqiijiyo in uu noqdo mid soo jiidasho leh kana duwan filim adiihii ugu dambeeyay ee fashilmay.

Jilaagan magaca weyn ku leh filimada ayaa wa laac weyn ka dhaxlay filimkiisii ugu dambeeyay ee ZERO, oo soo baxay 2018-kii, laakiin suuqa ku guul darreystay. Filimkan waxaa sidoo kale jilaya Deepika Padukone oo iyadana duubtay taxane muhiim ah sannadkii hore.

"Salman gebi ahaanba wuu diiddan yahay samaynta filimada xilligan uu jiro Covid-19. Balse waa nin ereygiisa jecel inuu ka dhabeeyo oo jacelna qoyskiisa. Salman ayaa Shahrukh Khan u arka qoyskiisa," waxaa sidaas yiri, soo saaraha barnaamij uu qayb ka ahaa Salman oo ay aad isugu dhow yihiin.

Muxuu Shahrukh Khan ku soo bandhigi rabaa filimka Pathan?

Ilo wareedyo ku dhow shirkadda filimka samey neysa ee Pinkvilla ayaa soo tabiyay in isu du waha filimka, Siddharth Anand iyo Shahrukh Khan ay ka shaqeynayaan in ay qeybo filimka Pathan ka mid ah oo dagaal ah uu ku same eyaan Dubai.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee la hadal hayo waa in Shahrukh Khan uu jilliin ku sameeyo gud aha dhismaha ugu dheer caalamka ee Burj Khalifa.

Xogta ay warbaahinta Hindiya shaaciyeen ayaa xustay in muuqaallo aad u waaweyn lagu jili doono dhismaha caanka ah ee Dubai, sida ay qorsheynayaan Khan, Anand iyo sidoo kale Aditya Chopra oo arrintaas ku wada howlan.

Horay waxaa loo xasuustaa in dhismahaas uu muuqaallo taariikhi ah ku sameeyay xiddigga Hollywood-ka Mareykanka ee lagu magacaabo Tom Cruise, oo lagu yaqaanno inuu sameeyo ficillada ugu halista badan ee aflaanta.

Xalaqo ka mid ah filimka Mission Impossible ayuu Tom Cruise ku duubay dhacdo aad halis u ah, isagoo naftiisa halis ku galiyay ficil uu dhi smaha Burj Khalifa ku sameeyay.

Shahrukh Khan ayaa sidoo kale lagu soo warramay inuu ku fakarayo ficil uu ku sameeyo dusha sare ee dhismahaas, waxaana laga yaa baa inuu u bareero khatartaas weyn.

"Yeysan layaab idinku noqonin haddii aad aragtaan SRK oo ku dagaallamaya qeybta ugu sarreysa ee Burj Khalifa, isagoo xarig lagu xiray balse la qariyay," ayaa lagu yidhi xogta ay shaa ciyeen ilaha ku dhow shirkadda filimka soo saareysa.

Horay wuxuu sidoo kale jilaagan ugu dhiir raday ficillo halis badan, oo ay ka mid tahay in uu ka booday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo khatarteeda leh, mana aha wax lagu yaq anno in ay sameeyaan atooreyaasha caadiga ah. Pathan ayaa la filayaa inuu noqdo filim ay ku jiraan ficillo badan oo dagaal iyo is eryasho ah. "Waxaa filimka qeyb ka ah gawaari, mootooyin, hub, qaraxyo, dagaal gacanta ah - u diyaar gar ooba waxyaabo badan oo ficillo ah inaad ku aragtaan Pathan," ayaa lagu yidhi xog ta




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip