Maxaa looga hadlayaa kulanka Ra'iisul Wasaare Rooble maanta uu la yeelanayo midowga musharaxiinta?

0
Thursday March 04, 2021 - 09:21:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga hadlayaa kulanka Ra'iisul Wasaare Rooble maanta uu la yeelanayo midowga musharaxiinta?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta mar kale kulan la qaadanayo xubnaha midowga musharaxiinta madaxweynaha.

Kulanka oo ah kii sedexaad ayaa si gaar ah looga hadli doonaa laba qodob oo waaweyn kuwaas oo kala ah,doorashooyinka iyo banaanbaxa ay qabsanayaan mucaaradka in uu si nabad-gelyo ah ku dhaco.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa musharaxiinta ka dalban doona in ay saameyn ku yeeshaan doorashooyinka,iyada oo kulankii hore la isku fahmi waayay in shirka uu iclaamiyay madaxweynaha waqtigiisu dhammaday ay ka qeyb-galaan.

Musharaxiinta ayaa daneynaya in ay goobjoog ka ahaadaan shirka madaxda dowladda,maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir,iyada oo madaxtooyada Soomaaliyana aysan rabin in shirka ay ka soo qeyb-galaan musharaxiinta maadaama aysan sameyn badan iyo saxiix toona ku laheyn.

Maxaa looga hadlayaa kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble maanta uu la yeelanayo midowga musharaxiinta?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip