Degmo ka tirsan gobolka Banaadir oo markii ugu horeysay laga hir-geliyay xarun maxkamadeed

0
Thursday March 04, 2021 - 08:58:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmo ka tirsan gobolka Banaadir oo markii ugu horeysay laga hir-geliyay xarun maxkamadeed

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka iyo Guddoomiyaha degmada Kaxda ayaa si wadajir xariga uga jaray xarunta maxkamadda degmada oo markii ugu horeysay laga hirgaliyay.

Dad kooban oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, isla markaana raacaya tilmaamaha caafimaadka ee looga hortagayo COVID-19 ayaa ka qeybgalay munaasabadda xarig jarka .

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in bulshada degmada ay baahi weyn u qabeeen helidda adeeg Garsoor.

Garyaqaan Maxamed Axmed Cusmaan Baari ayaa ka codsaday maamulka degmada iyo bulshada inay la shaqeeyaan maamulka loo magacaabay garsoorka degmada.

Hiigsiga iyo himilada Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayuu ahaa in dhammaan degmadooyinka Gobolka Banaadir yeeshaan maxkamado degmo, ayadoo Kaxda ay noqotay degmadii 16-aad ee Gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda xarun maxkamadeed laga hirgeliyo degmada Boondhere oo noqoneysa tii ugu dambeysay.

Degmo ka tirsan gobolka Banaadir oo markii ugu horeysay laga hir-geliyay xarun maxkamadeed




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip