Sacuudi Carabiya oo ku xirtey dadka xajinaya sanadkan inay iska tallaalaan cudurka Covid 19

0
Wednesday March 03, 2021 - 11:42:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudi Carabiya oo ku xirtey dadka xajinaya sanadkan inay iska tallaalaan cudurka Covid 19

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wasaaradda caafimaadka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in kaliya dadka laga tallaalay COVID-19 loo oggolaan doono in ay ka qeyb galaan Xajka sannadkan, sida uu ku warramay wargeyska Sucuudiga ka soo baxa ee Okaz.

"Tallaalka COVID-19 waa mid khasab ku ah kuwa doonaya inay yimaadaan Xajka waxayna noqon doontaa mid ka mid ah shuruudaha ugu waaweyn,” ayaa lagu yiri wareegto uu ku saxiixan yahay wasiirka caafimaadka Sacudi Carabiya oo soo baxday Isniintii aynu ka soo gudubnay.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2020, boqortooyada ayaa si weyn hoos ugu dhigtay tirada xujaajta loo oggol yahay inay soo xaadiraan Xajka illaa 1000 muwaaddin Sacuudi ah iyo dadka deggan boqortooyada ayaa xajiyay sanadkii hore.

Xajka oo ah waajibaad noloshiisa mar uun saaran qof kasta oo muslim ah oo awood u leh ayaa ah isha ugu weyn ee dakhliga ka soo gala dawladda Sucuudiga.

Wasiirka Caafimaadka Sacuudi Carabiya Dr Tawfiq al-Rabiah ayaa sidoo kale sheegay in dowlada ay tahay inay u diyaar garowdo sugida awooda shaqaalaha looga baahan yahay inay ka howlgasho xarumaha caafimaadka ee Mecca iyo Madiina.

Xarumahan waxaa la dejin doonaa meelaha laga soo galo xujeyda, ayuu yiri, marka lagu daro sameynta guddiga talaalka xujeyda gudaha Sacuudiga.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip