UK oo dhimaysa maalgalinta ay siiso hay'addaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya

0
Wednesday March 03, 2021 - 19:16:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UK oo dhimaysa maalgalinta ay siiso hay'addaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya

    Hay'adaha gargaarka ee UK ayaa lagu qasbay inay joojiiyaan adeegga rugaha caafimaadka ee Soomaaliya, kuwaas oo caawiya 2,000 oo haween iyo caruur ah bishiiba. Sida uu daabacay wargeyska the Guardian, tallaabadan ayaa ka dambeysa ka dib markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adaha gargaarka ee UK ayaa lagu qasbay inay joojiiyaan adeegga rugaha caafimaadka ee Soomaaliya, kuwaas oo caawiya 2,000 oo haween iyo caruur ah bishiiba. Sida uu daabacay wargeyska the Guardian, tallaabadan ayaa ka dambeysa ka dib markii miisaaniyadda maalgelinta ay hoos uga dhacday 0.7% dakhliga guud ee UK. Hay'addaha waxa looga digay inay la kulmi karaan dhimis ilaa 40% oo ah maalgalintooda UK. Agaasimaha Bariga Afrika ee hay'adda Action Against Hunger, Haajir Maalim, ayaa shaaciyay in lagu war galiyay in aysan sameynin wax balan qaadyo maaliyadeed ah. "Waxaan wajaheynaa halista kale ee cunno yaraan iyo fiditaanka Covid-19. Qorsheheena wuxuu u egyahay 40% dhimis, taasna waxay ka dhigan tahay in la xirayo rugaha caafimaadka ee Muqdisho." ayuu yiri Haajir Maalim. Boqortooyada Midowday (UK) waa dalka labaad ee gargaarka ugu badan siiya Soomaaliya, wuxuuna sanadiihii 2019-20 bixiyay £ 147m. UK ayaa sidoo kale ku dhawaaqday Isniintii in ay jareyso barnaamijka gargaarka ee Yemen in ka badan 50%, inkasta oo Qaramada Midoobay ay ka digtay macaluul soo fool leh. Qiyaasta dhimista barnaamij noocaan oo kale ah ayaa argagax gelisay mudanayaasha baarlamaanka, inkasta oo Boqortooyada Midowday ay wali tahay wadanka shanaad ee deeq bixiyayaasha Yemen.

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip